{"id":449995,"date":"2021-06-23T18:06:23","date_gmt":"2021-06-23T18:06:23","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=449995"},"modified":"2021-06-23T18:06:23","modified_gmt":"2021-06-23T18:06:23","slug":"wasaaradda-shaqada-xfs-oo-daah-furtay-siyaasadda-shaqo-abuurka-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-shaqada-xfs-oo-daah-furtay-siyaasadda-shaqo-abuurka-qaranka\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Shaqada XFS oo daah furtay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la\u2019aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiintii madasha ka hadashay ayaa isku raacay in siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ay fursad badan siin doonto dhallinyarada Soomaaliyeed ee iminka heysato shaqo la\u2019aanta.<\/p>\n<p>Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Balaal Maxamed Cismaan ayaa tilmaamay in tani ay tahay guul u soo hooyatay dhallinyarada Soomaaliyeed, ayna heli doonaan fursado shaqo abuur ah, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda.<\/p>\n<p>Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xusay in ka Wasaarad ahaan ay qaadan doonaan qeybta uga aadan sidii loo dhaqan gelin lahaa siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, isagoo intaa ku daray in barnaamijkan uu qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha Dalka.<\/p>\n<p>Mudane Maxamed Aadan Macalin Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa daboolka ka qaaday in qorshahan uu wax weyn ka tari doono suuqa shaqada ee Soomaaliya, ayna tahay tallaabo dhiiri gelin mudan, isagoo xusay in baahi weyn loo qabay mashruucan.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo daah furay mashruucan ayaa balan qaaday inay ka mira dhalin doonaan hadafka iyo ujeeddada loo aas aasay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka,<\/p>\n<p>\u201cSiyaasaddani waxa ay saldhig u tahay kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha, wax ka qabashada shaqo la\u2019aanta iyo si buuxda sare u qaadidda wax soo saarka dalka, Wadanka Soomaaliya waxaa ka jirta shaqo la\u2019aan baahsan, iyadoo qiyaastii 50% in ka badan ay shaqo la\u2019aan yihiin, dadka da\u2019doodu u dhexeyso 15-64 sano, sida ku cad warbixinada Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, si hadaba arrintaa wax looga qabto siyaasadda waxaa saldhig u ah qorshe Qaran oo horumarineed\u201d. Ayuu yiri Wasiirka Shaqada Mudane Cabdiwahaab.<\/p>\n<p>Siyaasadda shaqo abuurka Qaranka ayaa la bilaabay sanadkii 2017-ka, waxaana Golaha Wasiirada ay meel mariyeen sanadkii 2019-ka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Munaasabadan lagu daah furayay siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo saldhig u ah yareynta shaqo la\u2019aanta, isla markaana bartilmaameed u ah u abuuridda dhallinyarada fursado shaqo, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda shaqo abuurka Qaranka, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":449996,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-449995","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449995","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=449995"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449995\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":449997,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449995\/revisions\/449997"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/449996"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=449995"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=449995"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=449995"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}