{"id":449413,"date":"2021-06-17T07:39:51","date_gmt":"2021-06-17T07:39:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=449413"},"modified":"2021-06-17T07:39:51","modified_gmt":"2021-06-17T07:39:51","slug":"taariikhda-kulamadii-ugu-muhiimsanaa-ee-madaxda-dalalka-ruushka-iyo-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taariikhda-kulamadii-ugu-muhiimsanaa-ee-madaxda-dalalka-ruushka-iyo-mareykanka\/","title":{"rendered":"Taariikhda kulamadii ugu muhiimsanaa ee madaxda dalalka Ruushka iyo Mareykanka"},"content":{"rendered":"<p>Shalay waxaa magaalada Gen\u00e8ve ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha\u00a0 Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee \u201c La Grange\u201d<\/p>\n<p>Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen\u00a0 arrimaha istaraatiijiyada caalamka, cudurka\u00a0 Corona, la dagaalanka dambiyada internetka, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha\u00a0 cimilada.<\/p>\n<p>Biden iyo Putin ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha dalalka\u00a0 Suuriya, Liibya, Afghanistan,\u00a0 Ukraine iyo Belarus.<\/p>\n<p>Billawgii xiriirka Tooska<\/p>\n<p>Laga soo billaabo 1991-kii ilaa iyo hadda waxaa kulamo taariikhi ah yeeshay seddex madaxweyne oo Ruush ah iyo lix madaxweyne oo Mareykan ah.<\/p>\n<p>Inta badan kulamadaan\u00a0 dhax maray madaxda labada dal, waxay ka dhaceen dal seddexaad.<\/p>\n<p>Boris Yeltsin iyo George Bush (hore)<\/p>\n<p>Kulankii ugu horreeyay ee dhexmaray madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka wuxuu ka dhacay Washington 1992, kadib markii madaxweynihii Ruushku ku tegay Mareykanka booqasho rasmi ah.<\/p>\n<p>Labada madaxweye ayaa xilligaas kawada hadlay hoos u dhigista loolanka hubka culus ee nuclerka, inkasta oo aan la gaarin heshiis rasmi ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la abuuro jawi ku dhisan is aaminaad lana joojiyo dagaalkii qaboobaa.<\/p>\n<p>Boris Yeltsin iyo Bill Clinton<\/p>\n<p>Boris Yeltsin iyo Bill Clinton ayaa ku kulmay\u00a0 magaalada Vancouver ee dalka Canada bishii April 1993.<\/p>\n<p>Kulankaas ayaa intiisa badan xoogga lagu saaray\u00a0 arrimaha dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Vladimir Putin &#8211; Bill Clinton<\/p>\n<p>Madaxweyne Bill Clinton oo ku tegay booqasho shaqo dalka Ruushka ayaa la kulmay\u00a0 Vladimir Putin 2000.<\/p>\n<p>Bill Clinton waxaa muddo xileedkiisa uga haray xilligaas 6 bilood, halka Putin\u00a0 uu ahaa madaxweyne bil oo kaliya.<\/p>\n<p>Vladimir Putin iyo George Bush (danbe)<\/p>\n<p>Waxay\u00a0 magaalada Ljubljana ee\u00a0 Slovenia marti gelisay 2001, kulna dhax maray\u00a0 Vladimir Putin iyo George Bush.<\/p>\n<p>Kulankaas kadib, wuxuu Mareykanku ku eedey Ruushka basaasnimo, waxayna labada dal isweydaarsadeen burinta diblomaasiyiin.<\/p>\n<p>Dmitry Medvedev iyo George Bush<\/p>\n<p>Madaxweyne\u00a0 Dmitry Medvedev ayaa kula kulmay madaxweyne George W. Bush magaalaada Toyako 2008.<\/p>\n<p>Kulankaas ayaa kusoo beegmay Dmitry Medvedev oo xilka ku cusub iyo George W. Bush oo waqtigu kasii dhamaanayo.<\/p>\n<p>Dmitry Medvedev iyo Barack Obama<\/p>\n<p>Dmitry Medvedev ayaa sidoo kale la kulmay madaxweyne Barack Obama.<\/p>\n<p>Kulankaas ayaa ka dhacay guriga safiirka Mareykanka uu ka degan yahay magaalada London bishii April 2, 2009.<\/p>\n<p>Kulankaas ayaa dhacay 73 maalin kadib markii la caleema saaray madaxweyne Obama.<\/p>\n<p>Vladimir Putin iyo Barack Obama<\/p>\n<p>Vladimir Putin\u00a0 ayaa kula kulmay\u00a0 Barack Obama magaalada Los Cabos, ee dalka Mexico 2012.<\/p>\n<p>Kulankaas ayaa dhacay\u00a0 42 maalin ka dib, markii Putin uu mar kale qabtay madaxtinimada dalka Ruushka.<\/p>\n<p>Vladimir Putin iyo Donald Trump<\/p>\n<p>Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka, ee kala ahaa\u00a0\u00a0 Vladimir Putin iyo Donald Trump, ayaa ku kulmay Hamburg sannadkii 2017.<\/p>\n<p>Wadahadalka labada madaxweyne ayaa socday\u00a0 laba saacadood iyo 15 daqiiqo, iyadoo qorshuhu ahaa\u00a0 30 ilaa 45 daqiiqo.<\/p>\n<p>Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimihii ka socday dalalka Siiriya, Ukraine,\u00a0 hubka nucelerka iyo la dagaalanka argagxisida.<\/p>\n<p>Kulanka madaxda labadaan dal ayaa ka duwan kulmada ay yeeshaan madaxada kale ee caalmaka, waxaana isha ku haya warbaahinta\u00a0 iyo khubarada siyaasadda ee dunida.<\/p>\n<p>Russia Today ayaa qortay warbixintaan ku saabsan sooyaalka kulmadii ay yeehseen madaxweynayaalka Ruushka iyo Mareykanka laga soo bilaabo 1990 ilaa hadda<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shalay waxaa magaalada Gen\u00e8ve ee dalka Switzerland kulan muhiim ah oo looga hadlay dhinacyo badan ku yeeshay madaxweynaha\u00a0 Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin. Madaxweynaha dalka Switzerland Guy Parmelin ayaa kusoo dhaweeyay labda madaxweyne qasriga taariikhiga ah ee \u201c La Grange\u201d Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay mowduucyo kala duwan oo ay ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":449420,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-449413","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449413","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=449413"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449413\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":449421,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/449413\/revisions\/449421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/449420"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=449413"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=449413"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=449413"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}