{"id":448339,"date":"2021-06-03T17:47:34","date_gmt":"2021-06-03T17:47:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=448339"},"modified":"2021-06-03T17:47:34","modified_gmt":"2021-06-03T17:47:34","slug":"raiisul-wasaare-rooble-xukuumadda-waxay-xoogga-saari-doontaa-xal-u-helista-fatahaadaha-soo-noqnoqday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-rooble-xukuumadda-waxay-xoogga-saari-doontaa-xal-u-helista-fatahaadaha-soo-noqnoqday\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Rooble: \u201cXukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isla markaana u kuurgalay saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qoysaska ka barakacay fatahaadaha ay u baahanyihin kaalmo dhinac waliba leh, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan caawinta Walaalahood uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Rooble ayaa yiri \u201cJowhar iyo daafeheeda waxaan ku soo arkay duruufo adag oo ay sababeen fatahaadaha webiga. Qoysas badan ayaa barakacay una baahan dib-udejin, cunto iyo caafimaad. Aan u istaagno caawinta walaaleheen. Xukuumaddeydu waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday\u201d.<\/p>\n<p>Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray guddi Wasiiro ah oo qeyb ka ah Wafdigiisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad beni\u2019aadannimo la soo gaaraan Jowhar.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ciidamada qalabka sida ugu hambalyaynayaa, gaar ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta jab weyn gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab, waxayna dagaal kaga hayaan inta u dhexeyso Jilaab iyo labi buraale, waxaan rajeynayaa inaan garabkooda istaagno, Ilaaheyna garabkooda wuu istaagayaa, Insha Allah, guusha aad Shacabka Soomaaliyeed u soo hooyseen waa guul aan la hilmaami karin, waana idin garab taaganahay, sidaa horey ugu socda\u201d. Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Rooble.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isla markaana u kuurgalay saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday. Ra\u2019iisul Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":448340,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-448339","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448339","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=448339"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448339\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":448342,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448339\/revisions\/448342"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/448340"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=448339"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=448339"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=448339"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}