{"id":448328,"date":"2021-06-03T14:36:49","date_gmt":"2021-06-03T14:36:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=448328"},"modified":"2021-06-03T14:36:49","modified_gmt":"2021-06-03T14:36:49","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-danjire-yuusuf-cumar-al-azhari","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-danjire-yuusuf-cumar-al-azhari\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Danjire Yuusuf Cumar Al-Azhari\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo dalkeenna ku soo mataley fagaareyaasha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Yuusuf Al-Azhari uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo ka mid ahaa xeel-dheereyaasha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dalkeenna, door muuqdana ka soo qaatay dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.<\/p>\n<p>&#8220;Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari. Marxuumka oo muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed ayaa kaalin mug leh ku lahaa in siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda dalkeennu ay ka muuqdaan fagaareyaasha caalamka.&#8221;<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Danjire Yusuf Cumar Axmed Al-Azhari oo dalkeenna ku soo mataley fagaareyaasha diblumaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa xusay in Danjire Yuusuf Al-Azhari uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":448329,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-448328","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448328","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=448328"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448328\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":448330,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/448328\/revisions\/448330"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/448329"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=448328"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=448328"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=448328"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}