{"id":447040,"date":"2021-05-22T16:06:39","date_gmt":"2021-05-22T16:06:39","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=447040"},"modified":"2021-05-22T16:08:08","modified_gmt":"2021-05-22T16:08:08","slug":"musharrax-madaxweyne-jibriil-ibraahim-cabdulle-oo-soo-dhaweeyay-shirka-wada-tashiga-qaran-ee-muqdisho-ka-furmay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/musharrax-madaxweyne-jibriil-ibraahim-cabdulle-oo-soo-dhaweeyay-shirka-wada-tashiga-qaran-ee-muqdisho-ka-furmay\/","title":{"rendered":"Musharrax madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo Soo dhaweeyay shirka wada tashiga qaran ee Muqdisho ka furmay."},"content":{"rendered":"<p>Musharrax madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo soo dhaweeyay shirka wada tashiga qaran ee Muqdisho ka furmay ayaa yiri:<\/p>\n<p>&#8220;Shirka oo in mudo ah la sugayay in u qabsoomo waxaan rajaynayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah\u00a0 kuwaas\u00a0 oo farxad geliya dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay welwel xoogan ka qabay xaalada dalka ku sugan yahay.<\/p>\n<p>Waxaa ii muuqata yadadiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda\u00a0 ka qaybgalaysa\u00a0 shirka, taas oo astaan fiican u ah in ay jirto kalsooni, is aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi socodka arimaha doorashooyinka.<\/p>\n<p>Dalku waxaa uu ku jiraa xaalad adag\u00a0 oo kala guur ah taas oo u baahan tanaasulaad iyo Jihaynta Mustaqbalka dalka iyo dadka. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in aanan la lumin dadaaladii lagu bixiyay dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa aan markale ku adkeynayaa\u00a0 madaxda maanta ka qaybgalaysa Shirka Wadatashiga Qaran\u00a0 in ay qaataan go\u2019aano geesinimo leh si xal loogu helo caqabadaha hor taagan geeddi socodka doorashooyinka.&#8221; ayuu yiri Musharax Jibriil.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Musharrax madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo soo dhaweeyay shirka wada tashiga qaran ee Muqdisho ka furmay ayaa yiri: &#8220;Shirka oo in mudo ah la sugayay in u qabsoomo waxaan rajaynayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah\u00a0 kuwaas\u00a0 oo farxad geliya dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay welwel xoogan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":447041,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-447040","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/447040","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=447040"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/447040\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":447044,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/447040\/revisions\/447044"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/447041"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=447040"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=447040"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=447040"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}