{"id":446620,"date":"2021-05-19T10:17:25","date_gmt":"2021-05-19T10:17:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=446620"},"modified":"2021-05-19T10:25:32","modified_gmt":"2021-05-19T10:25:32","slug":"japan-iyo-unicef-oo-iska-kaashanaya-taageeridda-in-si-bedqab-ah-tallaalka-covid-19-looga-qeybiyo-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/japan-iyo-unicef-oo-iska-kaashanaya-taageeridda-in-si-bedqab-ah-tallaalka-covid-19-looga-qeybiyo-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya taageeridda in si bedqab ah  tallaalka COVID-19 looga qeybiyo Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)- \u00a0Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka\/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood oo ka mid ah xarumaha caafimaadka oo ka soo bixi kara shuruudaha looga baahan yahay tallaalka COVID-19, shaqaalaha caafimaadka iyo farsamo-yaqaannada qalabka caafimaadka ayaa lagu tababari doonaa adeegsiga iyo dayactirka\/gacan-ku-haynta qalabka CCE.<\/p>\n<p>Waxaa la qiyaasayaa in 3 milyan oo qof ay ka faa\u2019iideysan doonaan qaaraankan.<\/p>\n<p>\u201cJapan ayaa gacan ka geysaneysa sii-wanaajinta waaxda caafimaadka ee Soomaaliya iyada oo bixineysa barnaamijyo tababar iyo qalab caafimaad,\u201d ayaa uu yiri mudane HORIE Ryoich, oo ah Safiirka Japan ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Japan\u00a0 ayaa xoogga saareysa\u00a0 gacan-ka-geysashada sidii loo sii wanaajin lahaa barnaamijyada tallaalka ee guud ahaan dunida iyada oo $200 milyan oo doolar ku biirisay qaaraanka loogu talogaley tas-hiilaadka COVAX.<\/p>\n<p>Deeqdan ayaa qayb ka ahaan doonta taageerada guud ee ay UNICEF siineyso Wasaaradda Caafimaadka si ay dalka uga fuliso mid ka mid ah ololayaashii tallaalka ee ugu ballaarnaa ee abid laga hirgeliyo dalka.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda caafimaadka adduunka ayaa\u00a0 sidoo kale dowladda gacan ka siineysa in shaqaalaha caafimaadka loo tababaro sidii ay si ay u maareyn lahaayen habsi u socodka\u00a0 tallaalka, korjoogteynta ka-faa\u2019iideysigiisa\u00a0 iyo isla-xisaabtanka.<\/p>\n<p>\u201cUNICEF waxay\u00a0 Dowladda Japan iyo dadka reer Japan mahad weyn uga haysaa taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya,\u201d ayaa uu yiri Mohamed Ayoya, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)- \u00a0Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya. Maaliyaddan ayaa gacan ka geysaneysa soo iibinta qalabka qaboojinta tallaalka\/cold chair equipment (CCE) oo loo soo iibinaayo 33 xarumood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":33,"featured_media":446622,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-446620","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446620","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/33"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=446620"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446620\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":446626,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446620\/revisions\/446626"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/446622"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=446620"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=446620"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=446620"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}