{"id":446498,"date":"2021-05-18T06:07:08","date_gmt":"2021-05-18T06:07:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=446498"},"modified":"2021-05-18T06:07:08","modified_gmt":"2021-05-18T06:07:08","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-janaraal-cali-ismaaciil-maxamed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-janaraal-cali-ismaaciil-maxamed\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA JANARAAL CALI ISMAACIIL MAXAMED"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo maanta lagu aasay dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada\u00a0 Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&#8220;Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed. Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo xilal kala duwan ugu soo adeegey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed\u00a0 Cabdullaahi Farmaajo\u00a0 ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo\u00a0 qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo maanta lagu aasay dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa tayeynta Ciidamada\u00a0 Qalabka Sida iyo dadaallada uu ku bixiyey dib [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":40,"featured_media":446499,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-446498","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446498","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/40"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=446498"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446498\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":446500,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446498\/revisions\/446500"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/446499"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=446498"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=446498"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=446498"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}