{"id":446394,"date":"2021-05-16T16:20:09","date_gmt":"2021-05-16T16:20:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=446394"},"modified":"2021-05-16T16:29:19","modified_gmt":"2021-05-16T16:29:19","slug":"wasiiru-dowlaha-arrimaha-dibadda-oo-ka-qeyb-galay-shir-looga-hadlayay-duulaanka-duulaanka-israaiil-ee-dhulka-falastiin-iyo-rabshadihii-u-danbeeyay-ee-magaalada-quddus","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiiru-dowlaha-arrimaha-dibadda-oo-ka-qeyb-galay-shir-looga-hadlayay-duulaanka-duulaanka-israaiil-ee-dhulka-falastiin-iyo-rabshadihii-u-danbeeyay-ee-magaalada-quddus\/","title":{"rendered":"\u00a0Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay duulaanka Israa\u2019iil ee dhulka Falastiin."},"content":{"rendered":"<p><strong>SONNA<\/strong> (<strong>MUQDISHO<\/strong>) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa maanta habka fogaan aragga uga qeybgalay shir gaar ah oo Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiir Arrimo dibadeed uu kaga dooday duulaanka Israa\u2019iil ee dhulka Falastiin, si gaar ah Magaalada barakaysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha leh ee laga geystay hareeraha Masjidka Al-aqsa.<\/p>\n<p>Shirkani oo ku qabsoomay codsi ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ah shir-guddoonka kaltankani ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ayuu ka jeediyay Wasiiru dowlaha khudbad uu ku caddaynayay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka tacaddiyada Isra\u2019iil ay ka geysanayso magaalada barakeysan ee Quddus.<\/p>\n<p>Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay arimahaasi ayaa yiri:<\/p>\n<p>\u201cWaxaan aaminsanahay in kulankan uusan ku imaan lahayn waqti ka wanaagsan, oo ka baahi badan kan maanta. Kulankaan wuxuu muujinayaa xaqiiqda in qadiyadda Falastiin iyo tan Masjidka Al-Aqsa ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Dunida Islaamka.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay sidaas darteed kula midoobeysaa dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Isra\u2019iil ee dhulka Falastiin iyo in la hubiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah iyada oo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda oo aan muran ka taagnayn.<\/p>\n<p>Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan masuuliyad ku aadan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Isra\u2019iil ay ku heyso dhamaan dhulalka Falastiin, lana ixtiraamo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xoriyadaha diinta.\u201d ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Quddus ka dhacayeen duqeymo ay Isra\u2019iil ku beegsanayso deegaanada dadka Falastiiniyiinta ee dagan magaaladaasi.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-446395\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-446397\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-3-1.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-446395\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-1.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-446396\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/05\/ar-2.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SONNA (MUQDISHO) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa maanta habka fogaan aragga uga qeybgalay shir gaar ah oo Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiir Arrimo dibadeed uu kaga dooday duulaanka Israa\u2019iil ee dhulka Falastiin, si gaar ah Magaalada barakaysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha leh ee laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":446396,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-446394","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446394","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=446394"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446394\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":446404,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/446394\/revisions\/446404"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/446396"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=446394"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=446394"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=446394"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}