{"id":445245,"date":"2021-05-05T16:06:02","date_gmt":"2021-05-05T16:06:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=445245"},"modified":"2021-05-05T17:48:35","modified_gmt":"2021-05-05T17:48:35","slug":"qodobada-heshiiskii-galabta-lagu-gaaray-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/qodobada-heshiiskii-galabta-lagu-gaaray-muqdisho\/","title":{"rendered":"Guddigii farsamada ee Ra\u2019iisul Wasaare Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo heshiisyo soo saaray"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)- Kulan uu shir guddoomiyay Ra\u2019iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay hoyga Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dhawaaqay go\u2019aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.<\/p>\n<p>2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.<\/p>\n<p>3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.<\/p>\n<p>4. In kalsooni laga dhex abuuro hay\u2019adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.<\/p>\n<p>5. In Ra\u2019iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n<p>A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.<\/p>\n<p>B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.<\/p>\n<p>6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra\u2019iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.<\/p>\n<p>7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.<\/p>\n<p>8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.<\/p>\n<p>9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.<\/p>\n<p>10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)- Kulan uu shir guddoomiyay Ra\u2019iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay hoyga Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dhawaaqay go\u2019aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho. 1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":445253,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-445245","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/445245","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=445245"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/445245\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":445261,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/445245\/revisions\/445261"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/445253"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=445245"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=445245"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=445245"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}