{"id":444971,"date":"2021-05-03T07:00:51","date_gmt":"2021-05-03T07:00:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=444971"},"modified":"2021-05-03T10:45:29","modified_gmt":"2021-05-03T10:45:29","slug":"xuska-3-da-may-ee-maalinta-xoriyadda-saxaafadda-dunida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuska-3-da-may-ee-maalinta-xoriyadda-saxaafadda-dunida\/","title":{"rendered":"Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida"},"content":{"rendered":"<p>Saxaafaddu waa muraayad laga \u00a0daawado\u00a0\u00a0taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada \u00a0dunida ee soo jirtay mudada fog.<\/p>\n<div class=\"yj6qo\">\n<p>Dalka Soomaaliya waxaa 20-kii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda ama dhismaheedu lahaayeen \u00a0aqoonyahanno ka kooban dad wax ku bartay gudaha iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda, isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.<\/p>\n<p>Dhismaha warbaahinta Soomaalida waxa ay ku bilowdeen qaab ganacsi iyo dano kale oo laga lahaa ujeeddo siyaasadeed,sidaa aawadeed, waxaa suurtagashay in ay soo baxaan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed \u00a0oo ilaaliya\u00a0 danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.<\/p>\n<p>Waxaa xaqiiqo ah in Xilligaan warbaahinta Soomaaliya,ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,ka dib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.<\/p>\n<p>Inkastoo Warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah, haddana, waxaa muuqda dhaliillo ay leeyihiin qaar ka mid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal \u00a0kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadifad iyo nin jecleysi.<\/p>\n<p>Iyadoo la dareemayo in doorka\u00a0 saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn \u00a0ku leh bulshada xilligaan waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda, wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka\u00a0 iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.<\/p>\n<p>Qaladaadka xagga warbaahinta ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo\u00a0 tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.<\/p>\n<p>Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad \u00a0gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo \u00a0hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato \u00a0qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.<\/p>\n<p>Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda \u00a0si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahanno,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.<\/p>\n<p>Xusuusnoow adeegsiga saxaaafadda ee aad ku howlgaleyso \u00a0waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas\u2019uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, hana\u00a0ku sifoobin \u00a0aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano \u00a0gaar ah iyo kuwo shisheeye.<\/p>\n<p>Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.<\/p>\n<p>U diid \u00a0warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowlad kasta oo xilkedu yahay oo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.<\/p>\n<p>Ogoow suxufi haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay jiraan hey\u2019ado amni iyo kuwo garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqac iyo maqaam .<\/p>\n<p>Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.<\/p>\n<p>Haddaba,R\/wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa maanta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u diray shaqaalaha Saxaadda Dunida,gaar ahaan Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.<\/p>\n<p>R\/Wasaaruhu,waxa uu u rajeeyay shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"adL\">W\/Qoray Shire Xasan Kulmiye<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saxaafaddu waa muraayad laga \u00a0daawado\u00a0\u00a0taariiikhda soo jireenka ah iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan ilbaxnimada \u00a0dunida ee soo jirtay mudada fog. Dalka Soomaaliya waxaa 20-kii sano ee u dambeeyay ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda ama dhismaheedu lahaayeen \u00a0aqoonyahanno ka kooban dad wax ku bartay gudaha iyo kuwo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":444980,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-444971","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/444971","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=444971"}],"version-history":[{"count":12,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/444971\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":445011,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/444971\/revisions\/445011"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/444980"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=444971"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=444971"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=444971"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}