{"id":443915,"date":"2021-04-18T19:07:41","date_gmt":"2021-04-18T19:07:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=443915"},"modified":"2021-04-18T19:15:36","modified_gmt":"2021-04-18T19:15:36","slug":"dhallinyarooy-ha-dhimanina-dhimashada-horteed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dhallinyarooy-ha-dhimanina-dhimashada-horteed\/","title":{"rendered":"DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay \u201dSooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo\u00a0 baxaan ififaalooyin dhacdooyinkii la soo maray shabbaha\u201d.<\/p>\n<p>Inkastoo aan la tirakoobin dadka Soomaaliyeed, haddana malaha loo badan yahay ayaa ah, in da\u2019yartu ay dalka ku badan tahay. Dad badan ayaa weliba ku dhiirada in ay yiraahdaan 70 % dadka Soomaalidu waa kuwa da\u2019 ahaan kayar 30 sano. Si kastaba ha ahaatee waxaan muran ka taagnayn oo aanay labo Cali isweydiinayn, in dhallinyaradu ku badan dalkeenna.<\/p>\n<p>Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tiradaas leh waxaad mooddaa in ay u dhega-nugul-yihiin\u00a0 maaweelooyinka Siyaasiyiintu ku beer-laxawsato oo ah, in dhallinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka, hoggaamiyayaasha mustaqbalka iyo milkiilayaasha dalka.<\/p>\n<p>Inkastoo aan anigu hadda ka sii baxayo qaanadda dhallinyarada, haddana waxaan sannado kooban hortood u soo joogay welina ii muuqda dhallinyaro sida hawtul-hamagga ugu daata dabka loo shido dano qabiil ama siyaasadeed, dhallinyaradaas oo kuwii dhintay aan ehelkooda iyo haddii uu awlaad ka tegeenba la daryeelin, kuwii dhaawacmayna ay dhaxlaan dhutin iyo naafannimo aanay cidi ugu garaabin.<\/p>\n<p>Marka aad guud ahaan Soomaaliya dhan kasta ka eegto, waxaad arkaysaa dhallinyaro iyo carruur Soomaaliyeed oo horin-horin uga qalin-beddalanaya goobaha waxbarashada Diiniga ah iyo kuwa madaniga ah, taas oo ka dhigan in waalidiniintu dareemeen faa\u2019iidada waxbarashada, nafaqaynta iyo korinta carruurta ka sokowna ay u darbadeen soo saaridda dhallinyaro waxbaratay.<\/p>\n<p>Inkastoo aanay dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed helin fursad waxbarasho, haddana waxaa muuqata in tiro badan ay tacliinta gurteen welina guranayaan. Sidaas darteed waxaan isweydiinayaa, sababta aanay dhallinyaradaas saamayn ugu yeelan karin qaab-dhismeedka iyo habsami-socodka mustaqbalkooda? Ma waxay la\u2019yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda? Haddii aan anigu isu jawaabo, waxaan leeyahay \u201d haa iyo maya\u201d.<\/p>\n<p>Anigoo u daadegaya dulucda dooddayda ku saabsan jawaabaha iska soo horjeeda ee aan hal su\u2019aal ka bixiyay ayaan waxaan ku billabayaa jawaabta ah \u201dhaa\u201d oo u dhiganta indhallinyardu ay la\u2019yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda. Marka loo eego baaxadda dalka iyo dhibaatada isku nooca ah ee ay dhallinyaradu qabto, waxaa cad in aanay jirin dhallinyaro ficil ahaan u soo baxday ifinta waajibka dhallinyarada saaran iyo tusidda dhallinyarada muhiimadda ay leedahay in ay qaateen go\u2019aanno ay aayahooda uga talinayaan, ay ku diidayaan colaadaha, ay saamayn ugu yeelanayaan hoggaanka deegaannadoodu, dalkooda, nabadda iyo xasiloonidana ay horseed ugu noqonayaan.<\/p>\n<p>Jawaabtayda kale ee ah \u201dmaya\u201d ayaan markanna u qiil-samaynayaa: Waxaan hubaan in deegaan kasta oo Soomaaliya ku yaal ay joogaan dhallinyaro baraarugsan oo og in qabyaalad iyo colaadi aanay dhib mooyee dheef lahayn, balse dhallinyaradaas ayaa u badan kuwa si kooban oo lagu sifeyn karo \u201daashuun ku addin\u201d u soo gudbiya afkaartooda. Sidaas darteed, waxaan dhallinyaradaas leeyahay \u201dbannaanka keena afkaartiina kuna dara hadalkiina ficil (ficilku ma ahan dagaal ee waa tusaale cad oo lagu muujinayo sida aragtida waxqabad loogu beddeli karo).<\/p>\n<p>Hadda iyo dan: Waxaan tiro shan jeer ka badan daawaday muuqaal warbaahinta bulshada lagu baahiyay oo uu nin dhallinyaro ah kula hadlayay dad dhallinyaro, odayaal, nabaddoonno iyo culumaa\u2019uddiin isugu jiray. Ninka dhallinayarada ah ee muuqaalkaas ka hadlaya waa Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala), Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska. Hadalka wasiirkan da\u2019da yar marka aan dhegeystay ayaan go\u2019aansaday in aan maqaalkan qoro. \u00a0Marki uu hadalkan jeedinayay wasiirku wuxuu hawlo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah u joogay deegaan ay dad walaalo ah ku dagaaleen.<\/p>\n<p>Guntii iyo gunaanadki; Da\u2019yaroow, haddii aad doonayso tusaale ku dhiirigeliya bal ila daawo hadalka wasiirkan dhallinyarada ah:\u00a0<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/cabdiraxmaan.yusufcadaala\/videos\/2261303594004381\" target=\"_blank\" rel=\"nofollow noopener\" data-saferedirecturl=\"https:\/\/www.google.com\/url?q=https:\/\/www.facebook.com\/cabdiraxmaan.yusufcadaala\/videos\/2261303594004381&amp;source=gmail&amp;ust=1618857064054000&amp;usg=AFQjCNGhaTUJAP-YQt5L6qDqDIrqO5VRLw\">https:\/\/www.facebook.com\/<wbr \/>cabdiraxmaan.yusufcadaala\/<wbr \/>videos\/2261303594004381<\/a><\/p>\n<p>Dhallinyarooy ogaada, in geesinimada dhabta ah aanay ahayn qof la dilo iyo dagaal la galo. Geesinimada dhabta ah waa in la qiro khaladki lagu dhacay, laga qoomameeyo khaladkaas kaddibna la iska diido in dib loogu laabto khaladkaas.<\/p>\n<p><i>In la dhinto dhimashada horteed waxaa loola jeedaa, in qofku qaadan waayo doorkiisa uu dunida ku leeyahay isagoo awooda, sidaas darteed\u00a0<b>Dhallinyarooy ha dhimanina geeridda horteed!<\/b><\/i><\/p>\n<p><span lang=\"EN-US\">W\/Q: Cabdi Muuse Macalin\u00a0<\/span><a href=\"https:\/\/m.facebook.com\/may.muuse\" target=\"_blank\" rel=\"nofollow noopener\" data-saferedirecturl=\"https:\/\/www.google.com\/url?q=https:\/\/m.facebook.com\/may.muuse&amp;source=gmail&amp;ust=1618857064054000&amp;usg=AFQjCNEkqSjaU7kEtgbE1cvkuAj3HPdaag\"><span lang=\"EN-US\">https:\/\/m.facebook.com\/may.<wbr \/>muuse<\/span><\/a><\/p>\n<div><i>Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire<\/i><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA)-Garashadu waxay na leedahay \u201dSooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo\u00a0 baxaan ififaalooyin dhacdooyinkii la soo maray shabbaha\u201d. Inkastoo aan la tirakoobin dadka Soomaaliyeed, haddana malaha loo badan yahay ayaa ah, in da\u2019yartu ay dalka ku badan tahay. Dad badan ayaa weliba ku dhiirada in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":443916,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-443915","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443915","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=443915"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443915\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":443920,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443915\/revisions\/443920"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/443916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=443915"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=443915"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=443915"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}