{"id":443893,"date":"2021-04-18T16:20:12","date_gmt":"2021-04-18T16:20:12","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=443893"},"modified":"2021-04-18T16:20:12","modified_gmt":"2021-04-18T16:20:12","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-ku-bogaadiyay-ciidanka-xoogga-sida-ay-u-hanteen-hogaaminta-hawlgallada-amniga-ee-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-ku-bogaadiyay-ciidanka-xoogga-sida-ay-u-hanteen-hogaaminta-hawlgallada-amniga-ee-dalka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga sida ay u hanteen Hogaaminta Hawlgallada amniga ee dalka"},"content":{"rendered":"<p><strong>SONNA<\/strong> (<strong>MUQDISHO<\/strong>) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida\u00a0 iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed\u00a0 ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443894\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-1.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443896\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-300x223.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"223\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-300x223.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-1024x760.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-768x570.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-485x360.jpg 485w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-696x517.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-1068x793.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-566x420.jpg 566w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-80x60.jpg 80w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3-265x198.jpg 265w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-3.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443895\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-300x207.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"207\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-300x207.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-1024x707.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-768x530.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-218x150.jpg 218w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-696x481.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-1068x738.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-608x420.jpg 608w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2-100x70.jpg 100w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-2.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443897\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-4.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443898\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5-630x420.jpg 630w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/Madaxweyne-5.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SONNA (MUQDISHO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM. Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":443896,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-443893","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443893","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=443893"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443893\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":443899,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443893\/revisions\/443899"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/443896"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=443893"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=443893"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=443893"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}