{"id":443849,"date":"2021-04-17T14:02:25","date_gmt":"2021-04-17T14:02:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=443849"},"modified":"2021-04-17T14:02:25","modified_gmt":"2021-04-17T14:02:25","slug":"wasiirka-cusub-ee-gaadiidka-iyo-duulista-hawada-soomaaliya-oo-xilka-la-wareegay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-cusub-ee-gaadiidka-iyo-duulista-hawada-soomaaliya-oo-xilka-la-wareegay\/","title":{"rendered":"Wasiirka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo xilka la wareegay"},"content":{"rendered":"<p><strong>SONNA <\/strong>(<strong>Muqdisho<\/strong>) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.<\/p>\n<p>Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaasha hay\u2019adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas\u2019uuliyada adag\u00a0\u00a0ee u adeeggidda shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duuraan Axmed Faarax\u00a0\u00a0oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga go\u2019antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.<\/p>\n<p>\u201cWasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa\u00a0\u00a0muujiso.\u201d ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray \u201c Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-443850\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-2048x1365.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-1920x1280.jpg 1920w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/3O9A2635-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SONNA (Muqdisho) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda. Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee wasaaradda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":443851,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-443849","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443849","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=443849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":443852,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443849\/revisions\/443852"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/443851"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=443849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=443849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=443849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}