{"id":443315,"date":"2021-04-11T10:44:02","date_gmt":"2021-04-11T10:44:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=443315"},"modified":"2021-04-11T11:07:31","modified_gmt":"2021-04-11T11:07:31","slug":"dowladda-federaalka-iyo-hayadaha-samafalku-oo-walaac-ka-muujiyay-xaaladda-abaaraha-ee-ka-sii-daraya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-federaalka-iyo-hayadaha-samafalku-oo-walaac-ka-muujiyay-xaaladda-abaaraha-ee-ka-sii-daraya\/","title":{"rendered":"Dowladda Federaalka iyo hay\u2019adaha samafalku oo walaac ka muujiyay xaaladda abaaraha ee ka sii daraya.\u00a0"},"content":{"rendered":"<div class=\"adn ads\" data-message-id=\"#msg-f:1696741557352503210\" data-legacy-message-id=\"178c0974e9a397aa\">\n<div class=\"gs\">\n<div class=\"\">\n<div id=\":os\" class=\"ii gt\">\n<div id=\":or\" class=\"a3s aiL \">\n<div dir=\"auto\">\n<div dir=\"auto\">Waddanka intiisa badan wuxuu wajahayaa biyo yari aad u daran, iyadoo in ka badan 50 degmo oo ay ka jirto\u00a0 xaaladdo abaareed oo aad u daran sida lagu shaciyay qoraal wada jir ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo heya&#8217;\u2019adaha Sama-falka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya\u00a0 saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun 2021 oo markii labaad tusineysa mid ka hooseeya celcelis ah intii la heli jiray.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Saadaashu waxay muujinaysaa in xaaladda wadanku ay u badnaan doonto roob\u00a0 la\u2019aan ama la heli doono roob aad u yar ilaa todobaadka saddexaad ee bisha Abriil.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">In ka badan 116,000 oo\u00a0 qof ayaa biyo yari darteed u barakacay laga soo billaabo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay. Haddii\u00a0 xaaladdu sidan ku sii socoto gargaarka bini\u2019aadamnimaduna uu ahaado mid xaddidan, waxaa laga cabsi\u00a0 qabaa inuu dhaco barakac baaxad leh toddobaadyada iyo bilaha nagu soo aaddan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cAyadoo laga jawaabayo saameynta mashaqooyinka isbiirsaday ee waddanka ka jira, maanta ayay dadka\u00a0 Soomaaliyeed ugu baahi badan yihiin in la taageero si ka duwan sidii hore.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Waxaan ka codsanayaa deeq\u00a0 bixiyeyaasha iney si degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo\u00a0 saameynta abaaraha,\u201d ayay tiri Wasiirka Arrimaha Bini\u2019aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee\u00a0 Soomaaliya, Marwo Khadija Diriye.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxaan wajahaynaa cunno yari baahsan, nafaqa darro, barakac iyo\u00a0 cudurro. Dhaqaale Ayaan u baahannahay si dadka loo badbaadiyo, loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona\u00a0 helo macaawino ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.\u201d<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Xaaladda abaaruhu waxay lakab kale oo mushkilad ah ku kordhisay baahiyihii xad dhaafka ahaa ee horay u jiray, waqti ay bulshadu laa daalaa dhacayso saamaynta COVID-19, ayaxa, colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed iyo cunno yari baahsan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sicirka biyaha ayaa kor u kacay boqolkiiba 54 meelaha qaar, arrintan ayaa keeni karta saameyn aan la mahadin, maadaama ay dumarku ay ku qasbanaan doonaan iney masaafooyin dhaadheer biyo u doontaan ayna dhici karto iney baylah u noqdaan xadgudubyo lugula kaco.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxaan aad uga walaacsanahay in baahiyaha hadda jira ay sii kordhaan ayadoo weliba dhaqaalaha aan\u00a0 heli karnaa uu hoos u sii dhacayo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Waan ka hortegi karnaa saameynta abaarta, laakiin waxaa loo\u00a0 baahanyahay in hadda tallaabo degdeg ah la qaado annagoo ka faa\u2019iideysaneyna waaya aragnimadii aan ka\u00a0 dhaxalnay gurmadkii abaarta ee 2016\/17,\u201d ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini\u2019aadamnimada ee\u00a0 Soomaaliya, Adam Abdelmoula.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\u201cQorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini\u2019aadamnimada ee 2021 waxaa u\u00a0 soo xarooday boqolkiiba 4.1 oo kaliya.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Inkastoo sama-falayaashu ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal\u00a0 ah si ay ula tacaalaan saameynta abaaraha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la maalgeliyo samafalka iyo dadaallada lagu dhisayo soo kabashada bulshada si ay isaga xajiyaan saameynta Cimilada is bedelaysa\u00a0 ee waqtiga fog.\u201d<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"yj6qo\"><\/div>\n<div class=\"adL\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"hi\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"ajx\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"gA gt acV\">\n<div class=\"gB xu\">\n<div class=\"ip iq\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waddanka intiisa badan wuxuu wajahayaa biyo yari aad u daran, iyadoo in ka badan 50 degmo oo ay ka jirto\u00a0 xaaladdo abaareed oo aad u daran sida lagu shaciyay qoraal wada jir ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo heya&#8217;\u2019adaha Sama-falka. Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya\u00a0 saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":443317,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-443315","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443315","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=443315"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443315\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":443325,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/443315\/revisions\/443325"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/443317"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=443315"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=443315"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=443315"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}