{"id":442695,"date":"2021-04-06T11:34:45","date_gmt":"2021-04-06T11:34:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=442695"},"modified":"2021-04-06T11:34:45","modified_gmt":"2021-04-06T11:34:45","slug":"taliska-nisa-ee-gobalka-banaadir-oo-helay-xog-ku-saabsan-horjoogeyaal-ka-tirsan-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taliska-nisa-ee-gobalka-banaadir-oo-helay-xog-ku-saabsan-horjoogeyaal-ka-tirsan-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Taliska NISA ee gobalka Banaadir oo helay Xog ku saabsan Horjoogeyaal ka tirsan AL-shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab dhagarta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada iyo Miinooyinka.<\/p>\n<p>Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)\u00a0 oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir, kana hooseeyey Daariq iyo 6 dhagar-qabe oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayay 28-03-2021 kula qaraxday\u00a0 deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Dhanka kale 03-04-2021 Daariq, waxaa lagu dilay dagaalkii Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeella Hoose ay Ciidanka xoogga dalka\u00a0jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Labadan dhagarqabe ayaa Argagixisada Al-shabaab muhiim ugu ahaa maleegida dhagarta Shacabka, maadaama aad ay ugu xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada Miinooyinka, kuwaasi oo isku dayey inay awoodda saaraan sidii ay Qaraxyo kala duwan uga fulin lahaayeen Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Ha\u2019yaddaha Amniga Gobalka Banaadir ayaa uga\u00a0 mahad celinayay geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka\u00a0 oo helay xogta Al-shabaab ee ku aadan dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed ugana hor tagay si geesinnimo leh isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awoodda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab dhagarta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada iyo Miinooyinka. Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq)\u00a0 oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":40,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-442695","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-gudaha","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442695","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/40"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=442695"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442695\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":442696,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442695\/revisions\/442696"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=442695"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=442695"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=442695"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}