{"id":442585,"date":"2021-04-05T09:10:54","date_gmt":"2021-04-05T09:10:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=442585"},"modified":"2021-04-05T11:09:53","modified_gmt":"2021-04-05T11:09:53","slug":"puntland-oo-sheegtay-in-degaannadeeda-uu-sii-kordhay-kiisaska-covid-19","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/puntland-oo-sheegtay-in-degaannadeeda-uu-sii-kordhay-kiisaska-covid-19\/","title":{"rendered":"Puntland oo sheegtay in degaannadeeda uu ku sii kordhay kiisaska COVID-19"},"content":{"rendered":"<p style=\"background: white;margin: 0in 0in 19.5pt 0in\"><span style=\"font-size: 11.5pt;font-family: 'Verdana','sans-serif';color: #222222\">Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilaawgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white;text-align: start;margin: 0in 0in 19.5pt 0in\"><span style=\"font-size: 11.5pt;font-family: 'Verdana','sans-serif';color: #222222\">Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro, waxaana uu ugu baaqay shacabka \u00a0inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka,kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white;text-align: start;margin: 0in 0in 19.5pt 0in\"><span style=\"font-size: 11.5pt;font-family: 'Verdana','sans-serif';color: #222222\">Wasiirka ayaa ka hadlay in Puntland uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white;text-align: start;margin: 0in 0in 19.5pt 0in\"><span style=\"font-size: 11.5pt;font-family: 'Verdana','sans-serif';color: #222222\">Wasiirka waxa uu xusay in wali in badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku aysan tallaalka qaadan, wuxuuna rajeeyay inay qaataan si ay uga badbaadiyaan naftooda.<\/span><\/p>\n<p style=\"background: white;text-align: start;margin: 0in 0in 19.5pt 0in\"><span style=\"font-size: 11.5pt;font-family: 'Verdana','sans-serif';color: #222222\">Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad ay amaro culus soo saari doonaan, iyaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilaawgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay. Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":40,"featured_media":442586,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-442585","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442585","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/40"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=442585"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442585\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":442592,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442585\/revisions\/442592"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/442586"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=442585"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=442585"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=442585"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}