{"id":442115,"date":"2021-03-28T15:58:07","date_gmt":"2021-03-28T15:58:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=442115"},"modified":"2021-03-28T16:32:07","modified_gmt":"2021-03-28T16:32:07","slug":"taariikhda-bare-sare-aun-axmed-muumin-warfaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taariikhda-bare-sare-aun-axmed-muumin-warfaa\/","title":{"rendered":"Taariikhda bare sare AUN Axmed Muumin Warfaa."},"content":{"rendered":"<p>Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha.<\/p>\n<p><strong>WAAYIHIISII WAXBARASHO<\/strong><\/p>\n<p>Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qur\u2019aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay degaanka Jannaale, waxbarashadiisa dugsiga sare waxey ahayd Dugsigii Farsamada ee Xamar.<\/p>\n<p>Jaamacadda heerka 1-aad (Bachelor Degree) wuxuu ka mid ahaa 21 arday oo lagu billaabay kulliyadda beeraha, wuxuuna ka mid ahaa guud ahaan ardaydii Soomaaliyeed ee lagu iba-furay Jaamacaddii Ummadda, shahaadada 2-aad ee heer aqooneedda sare (masters degree) wuxuu ku sammeeyey dalka Talyaaniga, halka tan ugu dambeeysa ee PhD-dana uu ka kasbaday jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden.<\/p>\n<p><strong>WAAYIHIISII WAXQABAD<\/strong><\/p>\n<p>Wuxuu macalinnimo ka billaabay kulliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Ummadda, bartamihii todobaatannada ilaa 1991-dii, oo aheyd ku kala dareeriddii dowladnimada dalka.<\/p>\n<p>Bara-sare inuu ahaa kasa-kow, wuxuu ku biiray liiska Seynisyahannada caalamka dabayaaqadii 80-aadka ee qarnigii na dhaafay, kadib markii uu daah-furay nooc dhirta ka mid ah oo aan dunidu war ka heyn isaga hortiis.<\/p>\n<p>Nooc dhireedkaan uu daah-furay waxaa lagu magacaabaa \u201cCyclamen somalense\u201d af-cilmiyeedka Latin-ka, af Soomaalina \u201cDhegweyn\u201d ayaa la dhahaa, waa ceyn ka mida geedgaabka geyigeenna waxaana laga helaa badiyaaba waqooyi bari Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa ku wehliyey hal-abuur-aqooneedkan cusub nin u dhashay dalka Sweden oo ay jaal ahaayeen looguna yeero Mats Thulin.<\/p>\n<p>Eebbe ha u raxmadee, marxuunku wuxuu ku talax-tegay cilmiga ab-tiriska iyo abla-ableynta dhirta (classification of plants) waana tan u horseeday inuu gaaro heer Seynisyahan (Scientist), oo ah mansab-cilmiyeed la gaaro tan ugu sarreeyso adduunkaan casriga ah ee maanta eynu joogno.<\/p>\n<p>Hadda ka hor, mar baa la ii sheegay inuu yahay Seynisyankii ugu horreeyey ee Soomaalida, mase hubo anigu qof ahaan arrintaas sax ahaanshaheeda, mana ugu dhiiran karo sida aan u ogahay Dr. Cali Mire inuu ahaa Alle ha u naxariista , qofkii ugu horreeyey Soomaalida ee muteeystay shahaadada PhD-da cilmi-casriga maanta jira, ama sida uu u noqday Dr. Cilmi Ducaale oo weli nooli dhaqtarkii ugu horreeyey Soomaalida ee jaamacad ka soo qalin-jebiya.<\/p>\n<p>Balse, waxaan ku dhiiran karaa oo cidina ku qabsan karin inuu ahaa marxuunku aabbihii cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Soomaalida, sida ey ii xaqiijiyeen aqoon-maal doora oo ey isku xeyndaab-xirfadeed ahaayeen, badidoodna uu bare u ahaa.<\/p>\n<p>Bara-sare Axmed Muumin Warfaa, burburkii dalka kadib wuxuu ka mid ahaa hal-doorkii day-dayga u galay dowladnimada dalka, wuxuu ka mid ahaa mufakiriintii maskaxdooda martida iyo magantaba loo ahaa, marka la eego masiibadii uu dalkiisu maquurtay, balse isaga iyo jaalkiisba wey ku maan-dawaqmeen, markii ey garan waayeen cid garasho iyo garaad u saaxiib ah oo la garata gunti-isku-giijintii ey wadeen.<\/p>\n<p>Dadaalladii uu galay professor Warfaa qaran-jabkii dabadeed waxaa ka mid ahaa, ka shaqeynta dib u heshiisiin iyo baadi-doon dowladnimo, wuxuu ka mid ahaa abaabulayaashii unkay shirkii ugu horreeyey ee lagu wada-hadalsiiyo Soomaalidii Jamhuuriyaddu ka jabtay, isagoo markaa ahaa la-taliya-sare oo Qaramada Midoobay ugu qeybsanaa arrimaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wuxuu ahaa qof ku fogaaday fanni-aqooneedkaan aan kor ku soo faalleynay, had iyo goorna ku fooggan u iftiiminta bulshada faa\u2019iidada dhirtu u leedahay dadkiisa iyo deegaankiisaba, waxaanad ku garataa arrintaas, markuu kuu xog-waramaayo iyo weliba wareysiyadiisa war-baahinta.<\/p>\n<p>Waxaan tusaale nool u soo qaadan karnaa wareysi uu bixiyay bishii Luulyo 2018-kii mar uu la hadlay VOA-da oo wax laga weydiiyey xaalufinta dhirta iyo dhuxul ka sameeynta, ayuu sidaan ku war-celiyey \u201cwaan iska daayey gobollada qaarkood inaan tago, maxaa-yeelay waxey jarayaan dhirtii isla markaana ay u iib-geeyaan dalal shisheeye, sidaa darteed ma daawan karo xanuunkeeda!.<\/p>\n<p><strong>GUNAANAD<\/strong><\/p>\n<p>Marka laga yimaado aqoon-dhireedda uu ku caanbaxay, waxaa kale uu ahaa nin diinta iyo dhaqan-bulsheedkiisaba wax badan ka og.<\/p>\n<p>Haddii uu kaala hadlaayo cilmiga diinta Islaanka waxa aad ogaaneysaa inuu ahaa wadaad waxbadan u soo xereeystay kasmo-diineedda Islaamka, sidoo kale haddana markuu kaaga war-sheekoonaayo sooyaal-dhaqameedka Soomaalida waxaad isweydiin war heedhe, ma shahaado sare ayuu ku sitaa dhaqan-aqoonnimada?<\/p>\n<p>Isku soo duuboo boos bannaanaaday dheh, aanse la ogeyn bedel-buuxintiisu saad iyo si\u2019 ey noqon.<\/p>\n<p>Ugu dambeeyn waxaan uga tacsiyeeynayaa ummadda Soomaaliyeed aqoonyahaankaas weyn ee ka baxay, si gaar ahna waxaan uga baroor-diiqayaa ehelkii uu ka dhashay iyo maskax-maalka Soomaalida oo aheyd bah-weynta uu ku abtirsado.<\/p>\n<p><strong>W\/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Eebbe weyne ha janneeyo, waxaa 24 Maarso 2021, Muqdisho ku geeriyooday Bare sare. Axmed Muumin Warfaa, oo ka mid ahaa aqoon-maalka iyo indheer-garadka Soomaalida, kuwooda wax laga weydiiyo kasmada geyiga iyo geedaha. WAAYIHIISII WAXBARASHO Wuxuu ku dhashay magaalada Buulabarde 1948-dii, iskuul hoose iyo dugsi qur\u2019aankana wuxuu ku qaatay isla Buulabarde. Dugsi dhexe wuxuu ka galay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":442116,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-442115","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442115","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=442115"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442115\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":442117,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/442115\/revisions\/442117"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/442116"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=442115"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=442115"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=442115"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}