{"id":440543,"date":"2021-03-16T23:33:49","date_gmt":"2021-03-16T20:33:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=440543"},"modified":"2021-03-17T08:36:31","modified_gmt":"2021-03-17T05:36:31","slug":"wareeggii-1-aad-ee-dacwadda-baddeenna-oo-si-rasmi-ah-u-soo-gaba-bagoobay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wareeggii-1-aad-ee-dacwadda-baddeenna-oo-si-rasmi-ah-u-soo-gaba-bagoobay\/","title":{"rendered":"Wareeggii 1-aad ee Dacwadda Baddeenna oo si rasmi ah u soo gaba-gabowday."},"content":{"rendered":"<p>Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra\u2019iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna.<\/p>\n<p>Xeer Ilaaliyuha Qaranku wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta.\u201d<\/p>\n<p>Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee Dood afeedka badda Soomaaliya. Wareegga 2-aad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go\u2019aan ka gaaraysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.<\/p>\n<p>Dhammaad.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra\u2019iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":440556,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-440543","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440543","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=440543"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440543\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":440557,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440543\/revisions\/440557"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/440556"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=440543"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=440543"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=440543"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}