{"id":440203,"date":"2021-03-12T02:45:47","date_gmt":"2021-03-11T23:45:47","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=440203"},"modified":"2021-03-12T03:32:56","modified_gmt":"2021-03-12T00:32:56","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-suldaan-axmed-jaamac-xirsi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-suldaan-axmed-jaamac-xirsi\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN AXMED JAAMAC XIRSI"},"content":{"rendered":"<p>MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN AXMED JAAMAC XIRSI<\/p>\n<p>Muqdisho, Maarso 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo maanta lagu aasay dalka Jabuuti.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, nabaddeynta, dib u heshiisiinta iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee xal u helidda dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.<\/p>\n<p>\u201cInnaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi waxa uu door weyn ka soo qaatay dhammaan dadaalladii geeddi socodka ee dib u yagleelidda dowladnimadeenna iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna qeyb ka ahaa Wax-garadkii hoggaaminayey Shirkii Carta ee sannadkii 2000\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.<\/p>\n<p>DHAMMAAD<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN AXMED JAAMAC XIRSI Muqdisho, Maarso 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Jaamac Xirsi oo maanta lagu aasay dalka Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":440207,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-440203","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440203","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=440203"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440203\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":440204,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440203\/revisions\/440204"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/440207"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=440203"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=440203"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=440203"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}