{"id":440100,"date":"2021-03-10T21:13:22","date_gmt":"2021-03-10T18:13:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=440100"},"modified":"2021-03-10T21:13:22","modified_gmt":"2021-03-10T18:13:22","slug":"taariikh-nololeedka-allaha-u-naxariistee-madaxweynihii-hore-ee-soomaaliya-cali-mahdi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taariikh-nololeedka-allaha-u-naxariistee-madaxweynihii-hore-ee-soomaaliya-cali-mahdi\/","title":{"rendered":"Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho (SONNA)-Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG ah burburkii kadib ayaa ku geeriyooday Nairobi.<\/div>\n<div dir=\"auto\">\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\" style=\"font-size: 16px; font-style: normal; font-weight: 400;\">\n<div dir=\"auto\" style=\"font-size: 16px;\">Madaxweyne Cali Mahdi Alle ha u naxariistee.<\/div>\n<div dir=\"auto\" style=\"font-size: 16px;\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\" style=\"font-size: 16px; font-style: normal; font-weight: 400;\"><\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\">Taariikh nololeedkii <span style=\"font-size: 16px;\">Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar u aaday waxbarasho.<\/span><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Barlamaankii Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu da\u2019da yaraa ee xubin ka noqda golaha Barlamaanka Soomaliyeed.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn ee dalka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Sanadahii siddeetamaadkii Madaxweyne Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah \u201cManifesto\u201d oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Cali Mahdi Maxamed noqdqy madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska intii uu joogay waxay aheyd\u00a0Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay. waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u200e<\/div>\n<div dir=\"auto\">INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG ah burburkii kadib ayaa ku geeriyooday Nairobi. Madaxweyne Cali Mahdi Alle ha u naxariistee. Taariikh nololeedkii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":440098,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-440100","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=440100"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":440104,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440100\/revisions\/440104"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/440098"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=440100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=440100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=440100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}