{"id":440068,"date":"2021-03-10T13:59:40","date_gmt":"2021-03-10T10:59:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=440068"},"modified":"2021-03-10T13:59:40","modified_gmt":"2021-03-10T10:59:40","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-xildhibaan-maxamed-maxamuud-boonow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-xildhibaan-maxamed-maxamuud-boonow\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cAlle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":440069,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-440068","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440068","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=440068"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440068\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":440070,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/440068\/revisions\/440070"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/440069"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=440068"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=440068"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=440068"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}