{"id":437454,"date":"2021-01-27T19:27:07","date_gmt":"2021-01-27T16:27:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=437454"},"modified":"2021-01-27T19:27:07","modified_gmt":"2021-01-27T16:27:07","slug":"guddiga-hirgelinta-doorashada-heer-federaal-oo-soo-saaray-war-saxaafadeed-ku-saabsan-doorashooyinka-dalka-akhriso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddiga-hirgelinta-doorashada-heer-federaal-oo-soo-saaray-war-saxaafadeed-ku-saabsan-doorashooyinka-dalka-akhriso\/","title":{"rendered":"Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo soo saaray War-saxaafadeed ku saabsan doorashooyinka dalka &#8220;AKHRISO&#8221;"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><span style=\"font-size: 16px;\">Muqdisho (SONNA)-Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wadajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo doorasho.<\/span><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan iyo waqtigii la magacaabay waxaa u qabsoomay hawlo muhiim u ah, sida doorashada hoggaanka guddiga iyo guddi-hoosaadyadiisa, tababaridda iyo maamul u sameynta guddiyada heer Dowlad Goboleed, diyaarinta habraacyada doorashada, kulamo kala duwan oo guddigu la yeeshay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo wakiillada beesha caalamka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas\u2019uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu guddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17kii Sebteembar 2020.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-437455\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/143736713_3928773113850118_1870367454776013494_o.jpg\" alt=\"\" width=\"1557\" height=\"2015\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/143736713_3928773113850118_1870367454776013494_o.jpg 1557w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/143736713_3928773113850118_1870367454776013494_o-232x300.jpg 232w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/143736713_3928773113850118_1870367454776013494_o-768x994.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/143736713_3928773113850118_1870367454776013494_o-791x1024.jpg 791w\" sizes=\"auto, (max-width: 1557px) 100vw, 1557px\" \/><\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wadajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo doorasho. Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-437454","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437454","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=437454"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437454\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":437457,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437454\/revisions\/437457"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=437454"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=437454"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=437454"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}