{"id":437004,"date":"2021-01-20T19:36:55","date_gmt":"2021-01-20T16:36:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=437004"},"modified":"2021-01-20T19:36:55","modified_gmt":"2021-01-20T16:36:55","slug":"akhriso-khudbadda-wasiirka-xanaanada-xoolaha-ee-uu-ka-jeediyay-barnaamijka-kobcinta-wax-soo-saarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/akhriso-khudbadda-wasiirka-xanaanada-xoolaha-ee-uu-ka-jeediyay-barnaamijka-kobcinta-wax-soo-saarka\/","title":{"rendered":"Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,\u00a0 ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka<\/strong>\u00a0<strong>iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga<\/strong>.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Mudane:\u00a0 Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga &amp; Kheyraadka Badda<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Mudane:\u00a0 Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Mudane: Etienne Peterschmitt, Wakiilka Hay\u2019adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Wasiirada Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Shirkada Gaarka ah, ka soo qeybgalayaasha kala duwan Mudanayaan iyo Marwooyin.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Mudanayaal iyo Marwooyin,<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong>Waxaa farxad weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo kulankani muhiimka ah ee lagu daahfuraayo Barnaamijka Silsiladda Waxsoosaarka\u00a0 Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) ay ugu deeqday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maanta waxaa dhamaanteyn Fursad Taariikhi ah noo ah in aan furno bilowga Mashruuca silsiladda Waxsoosaarka iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha ee Xoolaha iyo Kaluumeysiga.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo farxad inoo wada ah maanta in aad goob joog ka tihiin dhammaantiina , Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiaga Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Madaxa Hay\u2019adda FAO ee Soomaaliya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Munaasabadan balaaran ee Daahfurka Mashruucan.<\/p>\n<p>Waxaan rabaa in fursaddaan ugu faa\u2019ideysto inaan u mahad celiyo Midowga Yurub oo tagaaro buuxda siiyey Barnaamijkan weyn ee wax ku oolka u ah dhammaan bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Xoolo Dhaqatada iyo Kalumaysatada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><strong>Mudanayaal iyo Marwooyin<\/strong><\/p>\n<p>Qaar badan oo idinka ka mid ah waxaan isla bilaawnay safarkii dheeraa ee aan ku diyaarineyna barnaamijkaan sannadkii tagay ee 2020kii, kaa soo uga qeyb qaadateen si muuqata islamarkaana aan soo bandhigteen dhammaantiina muhiimadaha iyo Baahiyaha hortabinta idiin leh Deegaanadiina. Sidaad la socotaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta &amp; Daaqa iyo Midowga waxey qabteen kulan la tashi ah oo\u00a0 lagu qabtay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2020 kaa soo\u00a0 ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha horumarinta xoolaha iyo waxsoosaarkooda oo ay ku jiraan hay\u2019adda FAO, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Shirkadaha gaarka ah waxaana meel laysla dhigay hawlaha hortabinta iyo muhiimadaha u leh qeybta Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa. Shirkani wadatashiga waxaa diiradda lagu saaray muhiimadaha ay asteynayeen Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha iyo Waxsoosaarkooda Somaliya Iyo Qorshaha Qaranka ee 9aad, iyo baahiyaha bulshooyinka.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii adeegyada muhiimka ah hoos loogu daadijin lahaa illaa iyo heer bulsho Deegaaneed islamarkaana loo hubiyo in cid walba ay ka faa\u2019ideysatay mashruucani.<\/p>\n<p>Mashruucani wuxuu qeyb ka qaadanayaa xasiloonida dalka, dhiira gelinta dib u heshiisinta gudaha, dhisidda nabadda, abuuridda fursad dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo badbaadada dadka taagta daran. Taa soo loo maraayo qaab deegaaneed\u00a0 ayadoo si wada jir ah looga shaqeynaayo arrimaha siyaasadda, amniga dhaqaalaha si lmaalgeqebta Qeybta Waxsoosaasrka.<\/p>\n<p><strong>Muadanayaal &amp; Marwooyin<\/strong><\/p>\n<p>Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta &amp; Daaqa waxaa ka go\u2019an in kor u qaaddo Nolosha malaayiin xoola dhaqato, xoolo raacato, kuwa ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha iyo Untooda\u00a0 iyo buulshooyinka ku nool Miyiga ee \u00a0ku tiirsan xoolaha iyo waxsoosaarkooda. Waxaa intaasi dheer in xoolaha iyo waxoosaarkooda ay qeyb weyn ka qaataan dakhliga dowladda, shaqo abuurka ayadoo lagu qiyaaso xoolaha waxsoosaarkooda shaqooyinka ay abuuraan ay gaareyso 55% marka laga hadlayo dhammaan shaqooyinka dalka ka jira, waxaa kaloo qeyb ka ah shaqooyin aan toos aheyn kuwaasoo ay sameeyaan silsiladda waxsoosaarka Xoolaha sidaa darted ayeey qeybtani xoolaha muhiim inoogu tahay.<\/p>\n<p>Sidaa daraadeed daahfurka maanta ee qeybtaan xoolaha waxey siyaadin doonta kobaca dhaqaale, shaqo abuur xasilooni iyo adeeg bulsho oo gaara illaa deegaanada miyiga ah.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii waxaan hadalkeyga ku soo gabagebynayaa in aan idiinku mahad celiyo dhammaantiina ka go\u2019anaashihiina in kor loo qaado sectorka waxsoosaasrka Xoolaha iyo Kaluumeysiga mashruucanina uu u noqdo udub dhexeed.<\/p>\n<p>Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa midowga Yurub (EU) oo taageero buuxda ku buxiyey mashruucani, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Hay\u2019adda FAO ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waad Mahadsantihiin<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,\u00a0 ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka\u00a0iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga. \u00a0Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga \u00a0Mudane:\u00a0 Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga &amp; Kheyraadka Badda Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":436994,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-437004","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437004","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=437004"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437004\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":437007,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/437004\/revisions\/437007"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/436994"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=437004"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=437004"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=437004"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}