{"id":433524,"date":"2020-12-03T09:18:25","date_gmt":"2020-12-03T06:18:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=433524"},"modified":"2020-12-03T09:18:25","modified_gmt":"2020-12-03T06:18:25","slug":"maalinta-caalamiga-ah-ee-dadka-baahiyaha-gaarka-ah-qaba-oo-dunida-laga-xusayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maalinta-caalamiga-ah-ee-dadka-baahiyaha-gaarka-ah-qaba-oo-dunida-laga-xusayo\/","title":{"rendered":"Maalinta caalamiga ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo dunida laga xusayo"},"content":{"rendered":"<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Muqdisho (SONNA)- Sanad walba 3-da December waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah, waxaana Qaramada Midoobay u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan maafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 15 % dadka aduunka waxa ay la noolyihiin baahiyaha gaarka ama lixaadka aan dhameystirneyn.<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Arintan ayaa ka dhigan in dad ka badan hal bilyan oo qof ay qabaan nooc naafada ka mid ah guud ahaan aduunka.<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">450 malyuun oo dadkaasi ka mid ah waxaa la sheegay in ay qabaan xanuunada dhimirka .<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Sida warbixinta lagu sheegay 69 malyuun oo qof ayaa waxaa sanad kasta ku dhaca xanuun ka dhashay jug ama dhaawaca maskaxda ka gaaray kaas oo qofka qal qal galiya.<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Xanuunka covid-19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba.<\/span><\/p>\n<p class=\"p3\"><span class=\"s2\">Sahan ay WHO ka qaaday 130 dal ayaa lagu sheegay in ay kordheen dadka xanuunada qalqalka maskaxda qaba sanadkan 2020<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Sanad walba 3-da December waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah, waxaana Qaramada Midoobay u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan. Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan maafanimada dhamaanteed ma ahan wax [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":433525,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-433524","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433524","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=433524"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433524\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":433527,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433524\/revisions\/433527"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/433525"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=433524"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=433524"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=433524"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}