{"id":433459,"date":"2020-12-01T18:10:31","date_gmt":"2020-12-01T15:10:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=433459"},"modified":"2020-12-01T18:10:31","modified_gmt":"2020-12-01T15:10:31","slug":"xukuumadda-soomaaliya-oo-ku-bogaadisay-shacabka-degaanka-bacaadweyne-geesinimo-dirirka-iyo-sida-ay-u-garab-istaageen-ciidanka-qaranka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xukuumadda-soomaaliya-oo-ku-bogaadisay-shacabka-degaanka-bacaadweyne-geesinimo-dirirka-iyo-sida-ay-u-garab-istaageen-ciidanka-qaranka\/","title":{"rendered":"Xukuumadda Soomaaliya oo ku bogaadisay shacabka degaanka Bacaadweyne geesinimo dirirka iyo sida ay u garab istaageen ciidanka Qaranka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA) Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa\u00a0 Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda\u00a0 argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020.<\/p>\n<p>Guuldarradii shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab weerarkii ay ku soo qaadeen\u00a0 Bacaadweyne waxa ay tusaale cad u tahay in haddii shacabku ciidanka garab istaagaan\u00a0 si fudud lagu joojin karo weerarrada iyo dhagarta cadawgu usoo maleego Ummadda<br \/>\nSoomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri \u201cTaliska\u00a0 Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka\u00a0 tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro<br \/>\nhorjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira\u00a0 Askar iyo Shacab&#8221;.<\/p>\n<p>Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray\u00a0 ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo\u00a0 maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka\u00a0 go&#8217;an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la<br \/>\ntaaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-433460\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/9a4d8fc8-0c0e-4c90-a055-c6e5f5668e5e.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"1478\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/9a4d8fc8-0c0e-4c90-a055-c6e5f5668e5e.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/9a4d8fc8-0c0e-4c90-a055-c6e5f5668e5e-219x300.jpg 219w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/9a4d8fc8-0c0e-4c90-a055-c6e5f5668e5e-768x1051.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/9a4d8fc8-0c0e-4c90-a055-c6e5f5668e5e-748x1024.jpg 748w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA) Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa\u00a0 Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda\u00a0 argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":422919,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-433459","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433459","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=433459"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433459\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":433461,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433459\/revisions\/433461"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/422919"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=433459"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=433459"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=433459"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}