{"id":433093,"date":"2020-11-27T11:44:01","date_gmt":"2020-11-27T08:44:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=433093"},"modified":"2020-11-27T13:28:25","modified_gmt":"2020-11-27T10:28:25","slug":"raiisul-wasaaraha-dalka-oo-amaanay-mashaariicda-horumarineed-ee-hayadda-qatar-charity-ay-ka-fulinayso-dalkasawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaaraha-dalka-oo-amaanay-mashaariicda-horumarineed-ee-hayadda-qatar-charity-ay-ka-fulinayso-dalkasawirro\/","title":{"rendered":"Ra&#8221;iisul wasaaraha dalka oo amaanay mashaariicda horumarineed ee hay&#8221;adda Qatar Charity ay ka fulinayso dalka+sawirro"},"content":{"rendered":"<p><strong>Baydhabo(SONNA)<\/strong> Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee waara, Qatar Charity waxay ka hirgelisay magaalada Baydhabo mashaariic kaladuwan oo loogu talagalay adeegyada bulshada oo si bilaasha ah uga helaan,waxaana kamid ah Iskuul Hoose Dhexe iyo Sare,Ceelbiyood iyo xarun quudin,kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka faa\u2019idaystaan dadka danyerta ah.<\/p>\n<p>Waxaa goob jog ka ahaa Xafladda furitaanka ra&#8217;iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xuseen Rooble,madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane C\/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza,Madaxa Hay\u2019adda Qatar Charity ee Soomaaliya mudane C\/nuur Xaaji Cali iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p>Xaruntan ay Qatar Charity ka hirgelisay Bayhdbao \u00a0ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo gobollada dalka, waxayna u qabataa bulshada gobolka adeegyo kala duwan oo xagga waxbarashada, arrimaha bulshada iyo horumarka ah, iyadoo la filayo in dadka ku nool magaalada Baydhabo oo tiradooda lagu qiyaaso 2.2 milyan oo qof ay ka faa\u2019iideysan doonaan, iyadoo guud ahaan qarashkiisa lagu qiyaasay in ka badan hal milyan iyo afar boqol oo riyaal.<\/p>\n<p>Sidoo kale Foornada samafalka oo rootiga lagu sameeyo ayaa sidoo kale looga golleeyahay in lagu yareeyo dhibaatada dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo abaaraha iyadoo la siinayo gargaarka bani&#8217;aadamnimada ee lagama maarmaanka ah, iyadoo maalin kasta loo qaybiyo rootiga sadaqada ah 2,000 oo qoys, wadarta guud ee kharashka dhismaha, qalabeynta iyo fududeynta sanad ka badan hal milyan iyo lix boqol oo riyaal.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa xafiiska Hay\u2019adda samafalka Qatar Charity ee Soomaaliya ayaa yiri\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan dareemeynaa farxad iyo raynrayn furitaankii mashruucan oo ahaa maalin un riyo adag in la gaaro, laakiin awooda ilaahey mahadnaqna kuwa u gargaara dowlada Qatar ee aan walaalaha nahay, waxay noqotay xaqiiqo la taaban karo hortaada\u201d.\u00a0Cabdi Nuur ayaa intaasi ku daray in haddii aysan ahaan lahayn dadaalka madaxda madaxda Koonfur Galbeed ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Laftagareen la qaban lahayn hoowshaan balse ay muujiyeen kaalintooda kaga aadan.<\/p>\n<p>Dhiniciisa, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Abuubakar ayaa yiri\u201d.Qatar Charity waa lamaane istiraatiijiyad u leh dawladda Soomaaliya dhammaan dhinacyada adeegga iyo horumarka. Waxaa mahad leh Qatar Charity iyo mahadcelinta dowladda Qatar iyo shacabkeeda.&#8221;<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) ayaa isna dhiniciisa ka yiri, &#8220;Mashruucan adeeggu wuxuu u yahay adeeg tayo leh bulshada ku dhaqan gobolka, oo baahi weyn u qabay mashaariicdan oo kale,Wuxuu tilmamaay \u00a0Qatar Charity iyo dadaalkeedii horudhaca ahaa ee ahaa in la caawiyo, dawladda iyo dadka Qadarna way leeyihiin.<\/p>\n<p>Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, Xasan bin Xamza Hashem, ayaa isna dhankiisa yiri \u201cDawladda Qatar waxay marwalba dooneysaa inay ka caawiso walaalaha Soomaaliyeed mashaariic waarta, maaddaama mashaariicdan ay fursado shaqo siinayaan dadka shaqo la\u2019aanta ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo dib u dhiska hay\u2019adaha kala duwan, si Soomaaliya ay ugu raaxaysato ammaan, xasillooni iyo barwaaqo.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbadiisa munaasabada ku yiri &#8220;Aad baan ugu faraxsanahay furitaanka mashruucan adeegan oo ay ka mid yihiin goobo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed sida caafimaadka, dhaqanka, waxbarashada, biyaha, iyo caawinta dadka \u00a0tabaalaysan, gaar ahaan agoonta, waxaana goobjoog u ahaa mashaariic fara badan oo ay hay&#8217;adda Qatar Charity ka hirgelisay gobolada Soomaaliya.&#8221; .\u00a0Wuxuu mahadcelin iyo bogaadin ujeediyey Qatar Charity sida joogtada ah ee ay ucaawiso iyo u caawinta dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u mahadceliyey dowladda iyo shacabka Qadar oo marwalba garab taagan shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Waxaa xusid mudan in Qatar Charity ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo horumarineed, maadaama tirada xarumo fara badan labadii sano ee la soo dhaafay ay gaartay 9 xarumood.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433094\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/cff-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/cff-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/cff-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/cff-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433095\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/dff-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/dff-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/dff-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/dff-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/dff.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433096\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeee-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeee-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeee-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeee-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433097\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeee-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeee-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeee-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeee-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeee.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433098\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeeee-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeeee-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeeee-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeeee-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/eeeeee.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433099\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewsss-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewsss-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewsss-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewsss-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433100\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewssss-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewssss-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewssss-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewssss-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433101\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewwwwww-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewwwwww-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewwwwww-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ewwwwww-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433102\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/qq-300x169.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/qq-300x169.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/qq-768x432.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/qq.jpeg 960w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433103\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rrrr-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rrrr-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rrrr-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rrrr-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433104\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rttttt-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rttttt-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rttttt-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rttttt-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/rttttt.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433105\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/saaaa-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/saaaa-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/saaaa-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/saaaa-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433106\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/swaaa-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/swaaa-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/swaaa-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/swaaa-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433107\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/tgggg-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/tgggg-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/tgggg-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/tgggg-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433108\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vfddd-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vfddd-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vfddd-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vfddd-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vfddd.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433109\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vv-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vv-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vv-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vv-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/vv.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433110\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wesddd-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wesddd-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wesddd-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wesddd-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wesddd.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433111\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wsaaa-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wsaaa-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wsaaa-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wsaaa-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433112\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wssss-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wssss-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wssss-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wssss-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wssss.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433113\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wwww-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wwww-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wwww-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wwww-1024x682.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/wwww.jpeg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-433114\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/xssss-300x200.jpeg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/xssss-300x200.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/xssss-768x512.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/xssss-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Baydhabo(SONNA) Marka la eego xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee waara, Qatar Charity waxay ka hirgelisay magaalada Baydhabo mashaariic kaladuwan oo loogu talagalay adeegyada bulshada oo si bilaasha ah uga helaan,waxaana kamid ah Iskuul Hoose Dhexe iyo Sare,Ceelbiyood iyo xarun quudin,kuwaasi oo loogu talagalay in ay ka faa\u2019idaystaan dadka danyerta ah. Waxaa goob jog ka ahaa Xafladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":433098,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,14,81,91,86],"tags":[],"class_list":{"0":"post-433093","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-muuqaallo","9":"category-wararka","10":"category-wargayska","11":"category-waxbarashada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433093","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=433093"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433093\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":433121,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/433093\/revisions\/433121"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/433098"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=433093"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=433093"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=433093"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}