{"id":432387,"date":"2020-11-18T18:31:08","date_gmt":"2020-11-18T15:31:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=432387"},"modified":"2020-11-18T18:31:08","modified_gmt":"2020-11-18T15:31:08","slug":"taariikh-nololeedkii-marxuum-cumar-carte-qaalib-akhriso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/taariikh-nololeedkii-marxuum-cumar-carte-qaalib-akhriso\/","title":{"rendered":"Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib &#8220;Akhriso&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Cumar Carte Qaalib ,\u00a0 waxa\u00a0 uu ku dhashay\u00a0 magaalada Hargeysa\u00a0 sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose\/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka\u00a0 baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan\u00a0 ee dalka Yemen, markii dambe waxa\u00a0 uu wax ku bartay Jaamacada Bristol ee dalka\u00a0 Ingiriiska .<\/p>\n<p>Markii uu soo laabtay 1950-yadii\u00a0 waxa\u00a0 uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka\u00a0 Laascaanood , Hargeysa\u00a0 iyo Berbera , Ingiriiska\u00a0 ayuu ku noqday sannadkii 1956\u00a0\u00a0 isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,\u00a0 waxa\u00a0 uu soo laabtay sannadkii 1958\u00a0\u00a0 oo loo magacaabay maamule ku xigeenka\u00a0 dugsigii dhexe ee\u00a0 Sheekh , markaa dib\u00a0 waxa\u00a0 uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabileey.<\/p>\n<p>Waxa\u00a0 uu ka\u00a0 tirsanaa\u00a0 xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiska\u00a0 madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960\u00a0 , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .<\/p>\n<p>Inta uusan dhalan kacaanka waxa uu noqday Danjiraha Ethiopia ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay Wasiirka\u00a0 arrimaha dibeda 1969 , waxa\u00a0 uu noqday Madaxweynaha\u00a0 golaha\u00a0 ammaanka\u00a0 ee Qaramada Midoobay 1972 ,\u00a0 sannadkii 1974 waxa\u00a0 uu Soomaaliya\u00a0 ku daray ururka Jaamacada\u00a0 Carabta .\u00a0 Waxa\u00a0 uu xilka Wasiirka\u00a0 arrimaha hayey illaa 1977.<\/p>\n<p>Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.<\/p>\n<p>7 June 1982,\u00a0 Cumar Carte Qaalib iyo 6\u00a0 siyaasi oo kale, kuwaasi oo kala ah<\/p>\n<ol>\n<li>Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor<\/li>\n<li>Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale<\/li>\n<li>Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle<\/li>\n<li>Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)<\/li>\n<li>Maxamed Yuusuf Weyrax iyo<\/li>\n<li>Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii saddexaad Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu\u00a0 xirhnaa\u00a0 , laakiin dilkiisa waxa\u00a0 baajiyay cadaadis ka yimid beesha caalamka iyo ururada\u00a0 u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana\u00a0 loogu badelay xabsi.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Waxa\u00a0 lagu hayey\u00a0 xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra\u2019iisal Wsaare si uu\u00a0 u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha\u00a0 u soo galay\u00a0 magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa\u00a0 xukunka laga tuuray 26 January 1991.<\/p>\n<p>Markii ay\u00a0 dawladdu sii burburaysay\u00a0 , waxa\u00a0 uu ugu baaqay ciidamadu \u00a0in ay hubkoodu ku wareejiyeen\u00a0 jabhadaha\u00a0 dagaalka kula jiray , waxaana\u00a0 uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara\u00a0 oo colaadaha la isku afjaro.<\/p>\n<p>Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana\u00a0 uu isna\u00a0 Ra\u2019iisal Wsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey\u00a0 illaa bishii May 1993.<\/p>\n<p>1993 ,waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.<\/p>\n<p>Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay\u00a0 doorashadii dawladaha\u00a0 hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .<\/p>\n<p>Carte dadka\u00a0 yaqaanaa , waxay ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti\u00a0 badan oo qunyar socod\u00a0 ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.<\/p>\n<p><strong>W\/D: Xasan Abuukar Cali (Xasan Baydhabo)<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Cumar Carte Qaalib ,\u00a0 waxa\u00a0 uu ku dhashay\u00a0 magaalada Hargeysa\u00a0 sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose\/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka\u00a0 baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan\u00a0 ee dalka Yemen, markii dambe waxa\u00a0 uu wax ku bartay Jaamacada Bristol ee dalka\u00a0 Ingiriiska . Markii uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":432364,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-432387","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/432387","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=432387"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/432387\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":432388,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/432387\/revisions\/432388"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/432364"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=432387"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=432387"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=432387"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}