{"id":431680,"date":"2020-11-11T08:35:33","date_gmt":"2020-11-11T05:35:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=431680"},"modified":"2020-11-11T08:35:33","modified_gmt":"2020-11-11T05:35:33","slug":"wasiirka-shaqada-xfs-oo-xafiiskiisa-ku-qaabbilay-madax-ka-socotay-hayadda-wfp","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-shaqada-xfs-oo-xafiiskiisa-ku-qaabbilay-madax-ka-socotay-hayadda-wfp\/","title":{"rendered":"Wasiirka Shaqada XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Madax ka socotay Hay\u2019adda WFP"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP)\u00a0 ee Soomaaliya, Cesar Arroyo.<\/p>\n<p>Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay\u2019adda WFP oo ah hay\u2019ad iskaashiga ballaaran la leh wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana lagu dardar galinaayey shaqooyinka ay hey\u2019addu wado.<\/p>\n<p>Agaasimaha WFP ee Soomaaliya, Cesar Arroyo ayaa boggaadiyay shaqooyinka Wasaaradda iyo xariirka wada shaqeynta ah ee ka dhaxeysa,wuxuuna sidoo kale warbixin ka siiyay wasiirka , dadaallada lagu dhimayo faqriga iyo kobaca nolaleed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cWFP waa hey\u2019ad ay wada shaqeyn ballaaran naga dhaxeyso, waxaana madaxa hey\u2019adda oo aan kullankan isku barannay ku xoojiyay sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka socda oo uu ugu horreyo barnaamijka ay nagala shaqeynayaan ee Baxnaano oo ay wasaaraddu u wakiillatay hey\u2019adda, daahfurnaantiisa iyo sidii waqtigiisa uu ku gaari lahaa dhammaan bulshada.\u201d ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.<\/p>\n<p>Wasiir Duraan, ayaa sheegay inuu dadaal galinayo sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u heyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuuna caddeeyay in diiradda la saarayo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha bulshada nugul iyo qorshayaasha taageerraya shaqo abuurka, xirfadaha iyo bad-qabka goobaha shaqada iyo shaqaalaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP)\u00a0 ee Soomaaliya, Cesar Arroyo. Kulanka oo ahaa midkii u horreyay ee wasiirka uu ku qaabbilo madaxa hay\u2019adda WFP oo ah hay\u2019ad iskaashiga ballaaran la leh wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ,waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":431681,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-431680","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431680","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=431680"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431680\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":431682,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431680\/revisions\/431682"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/431681"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=431680"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=431680"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=431680"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}