{"id":431145,"date":"2020-11-04T19:44:34","date_gmt":"2020-11-04T16:44:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=431145"},"modified":"2020-11-04T19:44:34","modified_gmt":"2020-11-04T16:44:34","slug":"carona-virus-oo-si-wayn-u-saameeyey-waxbarashada-carrurta-barkacayaasha-ah-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/carona-virus-oo-si-wayn-u-saameeyey-waxbarashada-carrurta-barkacayaasha-ah-sawirro\/","title":{"rendered":"Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah \u201cSAWIRRO\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba\u2019an ku haya.<\/p>\n<p>Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la\u2019aan, Waxbarasho la\u2019aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah kufaafayo.<\/p>\n<p>Booqasho dhawaan aan ku tagnay deegaanka Garasbaaleey kaas oo ay deganyihiin dad isugu jira danyar iyo barakacayaal xilli hore\u00a0 ka soo barakacay gobolada dalka sababo la xiriira abaar baahsan oo ku dhufatay ayaan halkas kula soo kulanay dad badan oo sheegay inuu cududrka si wayn u saameeyey waxbarashadii\u00a0 carruurtooda qaarkood haatan ay guryaha iska joogaan.<\/p>\n<p>Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.<\/p>\n<p>\u201cCarruurteennu marki horeba\u00a0 waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha\u201d ayey tiri Xaliimo Xirsi oo uwarameysay Warbaahinta Qaranka.<\/p>\n<p>Intii aan joognay kaamka waxaan sidoo kale ku soo aragnay qaar ka mid ah carruurta barakacayaasha ah oo dhexdooda isku faa\u2019ideynaya si ay iskusoo\u00a0 xasuusiyaan waxbarashadii ay hore uqaateen,<\/p>\n<p>Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore uqaateen kadibna uu usii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.<\/p>\n<p>\u201cWaxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa\u2019ideystaan fursadan\u201d ayuu yiri Bilow.<\/p>\n<p>Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka\u00a0 weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda\u00a0\u00a0 waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodiiiyagoo intaas kudaray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib ubilaaban doonto.<\/p>\n<p>Dhinaca kale waxaan kaamka Garisbaalleey ka bilowday ollole dadka barakacayaasha ay isaga wacyigalinayaan qattarka cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafada iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.<\/p>\n<p>Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor udhaafayo 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431146\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/111.jpg\" alt=\"\" width=\"600\" height=\"400\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/111.jpg 600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/111-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431147\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/333.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"360\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/333.jpg 640w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/333-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431148\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/444.jpg\" alt=\"\" width=\"480\" height=\"360\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/444.jpg 480w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/444-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 480px) 100vw, 480px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431149\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/2222.jpg\" alt=\"\" width=\"600\" height=\"400\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/2222.jpg 600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/2222-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 600px) 100vw, 600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431150\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/5555.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"427\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/5555.jpg 640w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/5555-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431151\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/7777.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/7777.jpg 800w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/7777-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/7777-768x432.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-431152\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/aaaa.jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"439\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/aaaa.jpg 640w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/aaaa-300x206.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/p>\n<div class=\"td-post-content\">\n<p><strong>W\/D: Aamina Axmed Cali (Aamina Ladan)<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<footer>\n<div class=\"td-post-source-tags\"><\/div>\n<\/footer>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba\u2019an ku haya. Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la\u2019aan, Waxbarasho la\u2019aan, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":431146,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-431145","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431145","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=431145"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431145\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":431153,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/431145\/revisions\/431153"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/431146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=431145"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=431145"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=431145"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}