{"id":430192,"date":"2020-10-26T09:09:52","date_gmt":"2020-10-26T06:09:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=430192"},"modified":"2020-10-26T09:39:03","modified_gmt":"2020-10-26T06:39:03","slug":"raiisalwasaare-rooble-oo-dib-uga-furay-muqdishu-waddo-muddo-dheer-xirnayd","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisalwasaare-rooble-oo-dib-uga-furay-muqdishu-waddo-muddo-dheer-xirnayd\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisalwasaare Rooble oo dib uga furay Muqdisho waddo muddo dheer Xirnayd"},"content":{"rendered":"<p>Muqdishu0(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Ku-simaha duqa Muqdisho Ahna guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar.<\/p>\n<p>Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Enj.Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Saraakiil kale ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka wadadaan oo muhiim u ah isu socodka shacabka Muqdisho, kana mid ah waddooyinka halbowlaha ah ee magalaada.<\/p>\n<p>Muddooyinkaan danbe ayay Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Dhanka kale Ra\u2019iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go\u2019an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.<\/p>\n<p>\u201cBulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go\u2019an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. qof kasta waxaa waajib qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.\u201dayuu yiri\u00a0 Md.Rooble.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir hirgelinta qorshahaan culayska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyay in ay sii dhammaystiraan, korna u qaadaan wadashaqaynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble wuxuu uga mahadceliyey ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada dhabar adaygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qayb ka ahayd dadaalladii lagaga hortagayay halista argagixisada.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-430195 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux2.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux2.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux2-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux2-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-430197 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux3.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux3.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/rooble-Dugulux3-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdishu0(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Ku-simaha duqa Muqdisho Ahna guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar. Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha guud [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":430193,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-430192","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/430192","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=430192"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/430192\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":430201,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/430192\/revisions\/430201"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/430193"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=430192"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=430192"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=430192"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}