{"id":429813,"date":"2020-10-20T22:06:56","date_gmt":"2020-10-20T19:06:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=429813"},"modified":"2020-10-20T22:06:56","modified_gmt":"2020-10-20T19:06:56","slug":"shirka-wadatashiga-mashruuca-ka-soo-kabashada-xasaradaha-soomaaliya-oo-ka-furmay-muqdishosawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shirka-wadatashiga-mashruuca-ka-soo-kabashada-xasaradaha-soomaaliya-oo-ka-furmay-muqdishosawirro\/","title":{"rendered":"Shirka wadatashiga mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Shirkaan\u00a0 wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha\u00a0 qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya\u00a0 oo\u00a0 xoogga lagu saarayo\u00a0 sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime\u00a0 waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.<\/p>\n<p>Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele\u00a0 Cabdulaahi Maxamed Xasan\u00a0 (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.<\/p>\n<p>Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka soomaaliya\u00a0 ayaa sheegay in mashrucuan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee uu saameeyeen\u00a0 daadadka, abaaraha iyo ayaxa.<\/p>\n<p>\u201c mashruucan waxa garwadeen ka ah dowladda federaalka soomaaliya gaar ahaan, wasaaradaha qorsheynta iyo maaliyadda isla markaana waxaa naga taageeraayo banka aduunka, waxa uu xoogga saarayaa afar\u00a0 qeyb oo mudnaanta u leh \u00a0maamulka Hirshabeele si wax looga qabto, fatahada, Abaaraha, ayaxa iyo covid- 19\u00a0 oo dhibaata weyn bulshada nugal ee u baahan in wax lala qabto, waa mahadsan yahiin madaxda maanta halkan nala joogta ee si aan isla fiirno muhiimada dhaxal reebka ah ee wax laga qaban karo.\u201d ayuu yari cali xaaji aadan.<\/p>\n<p>Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriiraha qaran\u00a0 ee\u00a0 deeqa caalamiga ah\u00a0 ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid-19.<\/p>\n<p>\u201c waxaan ku faraxsanahay in wasaaradaha ay quseeso arrintaan inay goob-joog ka yahiin wadatashigaan, waxaan isla eegaynaa mudnaansiinta baahiyaha hortabinta u leh maamulka Hirshabeele\u00a0 ee ka soo kabashada u adkeysiga xasaradaha maamulka\u201d ayuu yari asad yusuf.<\/p>\n<p>diyaarinta mashruucan waxaa lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.<\/p>\n<p>wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan;<\/p>\n<p>waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.<\/p>\n<p>qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;<\/p>\n<p>\u2013 guddiga hoggaaminta mashruuca (psc)<\/p>\n<p>\u2013 unugga fulinta mashruuca (piu)<\/p>\n<p>\u2013 hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429815\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/2c83c1aa-2ed8-4a42-9fce-4f03df7c9ea3.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/2c83c1aa-2ed8-4a42-9fce-4f03df7c9ea3.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/2c83c1aa-2ed8-4a42-9fce-4f03df7c9ea3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/2c83c1aa-2ed8-4a42-9fce-4f03df7c9ea3-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429816\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/7d2373ce-6fd7-4ccc-afa0-d184b0aaad24.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/7d2373ce-6fd7-4ccc-afa0-d184b0aaad24.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/7d2373ce-6fd7-4ccc-afa0-d184b0aaad24-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/7d2373ce-6fd7-4ccc-afa0-d184b0aaad24-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429817\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/423a744e-d4b5-485d-af22-5753975ec386.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/423a744e-d4b5-485d-af22-5753975ec386.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/423a744e-d4b5-485d-af22-5753975ec386-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/423a744e-d4b5-485d-af22-5753975ec386-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429818\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/841ae720-3aec-42fe-b25b-92e1ee02bff3.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"768\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/841ae720-3aec-42fe-b25b-92e1ee02bff3.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/841ae720-3aec-42fe-b25b-92e1ee02bff3-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/841ae720-3aec-42fe-b25b-92e1ee02bff3-768x576.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429819\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/ada815c0-1461-4ddc-817c-d6491a12f008.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"768\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/ada815c0-1461-4ddc-817c-d6491a12f008.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/ada815c0-1461-4ddc-817c-d6491a12f008-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/ada815c0-1461-4ddc-817c-d6491a12f008-768x576.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-429820\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/bb605214-6365-4fdc-b413-a7794cfe99cc.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/bb605214-6365-4fdc-b413-a7794cfe99cc.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/bb605214-6365-4fdc-b413-a7794cfe99cc-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/bb605214-6365-4fdc-b413-a7794cfe99cc-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Shirkaan\u00a0 wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha\u00a0 qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya\u00a0 oo\u00a0 xoogga lagu saarayo\u00a0 sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka. Mas\u2019uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime\u00a0 waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":429817,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-429813","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429813","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=429813"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429813\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":429821,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429813\/revisions\/429821"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/429817"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=429813"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=429813"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=429813"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}