{"id":429163,"date":"2020-10-08T19:55:21","date_gmt":"2020-10-08T16:55:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=429163"},"modified":"2020-10-08T21:10:16","modified_gmt":"2020-10-08T18:10:16","slug":"guddoomiye-mursal-oo-ka-tacsiyadeeyey-geerida-raiisul-wasaarihii-hore-ee-soomaaliya-marxuum-cali-khaliif-galeyr","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiye-mursal-oo-ka-tacsiyadeeyey-geerida-raiisul-wasaarihii-hore-ee-soomaaliya-marxuum-cali-khaliif-galeyr\/","title":{"rendered":"Guddoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyey Geerida Ra\u2019iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra\u2019iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay doorkii uu marxuum Cali Khaliif Galeyr ka\u00a0 geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya oo\u00a0 horumarsan, isla markaana la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.<\/p>\n<p>\u201cAlle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra\u2019iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh\u201d ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ra\u2019iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Guddoomiyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":429134,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-429163","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429163","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=429163"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429163\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":429171,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429163\/revisions\/429171"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/429134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=429163"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=429163"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=429163"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}