{"id":429059,"date":"2020-10-07T14:07:24","date_gmt":"2020-10-07T11:07:24","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=429059"},"modified":"2020-10-07T14:07:24","modified_gmt":"2020-10-07T11:07:24","slug":"sii-hayaha-wasiirka-ganacsiga-xfs-oo-ku-baaqay-in-sida-ugu-habboon-looga-talo-bixiyo-dhaqan-gelinta-xeer-nidaamiyaha-sharciga-shirkadaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sii-hayaha-wasiirka-ganacsiga-xfs-oo-ku-baaqay-in-sida-ugu-habboon-looga-talo-bixiyo-dhaqan-gelinta-xeer-nidaamiyaha-sharciga-shirkadaha\/","title":{"rendered":"Sii-hayaha wasiirka Ganacsiga XFS oo ku baaqay in sida ugu habboon looga talo bixiyo dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay u qabatay hay\u2019adaha dawladda heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadayaasha iyo Taageerayaasha Caalamiga ah,kaas oo la xiriiray xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinaayey sharciga shirkadaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyada oo sido kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, hay\u2019adaha IFC iyo weliba Sharci yaqaanada Muqdisho Law Office, Waxaana kulanka diiradda lagu saarayey dib-u-eegis lagu sameynaayey xeer-nidaamiyahaasi iyo in ka soo-qeyb-galayaasha kulankaasi ay talooyinkooda ku biiriyaan haddii ay tahay wax-ka-beddelid, kaabid iyo ka saarid intaba.<\/p>\n<p>Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in sharciga shirkadaha iyo xeerkani ay ahmiyad weyn u leeyihiin fududeynta adeega ganacsiga iyo maal-gashiga, diiwaan-gelinta shirkadaha, xogta ganacsiga, fursadaha maal-gashiga iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo uu sheegay in uu muhiimad u leeyahay xeerinta iyo kala hagidda maamulka shirkadaha ganacsiga, xuquuqda maal-gashadaha iyo mulkiilayaasha shirkaddaha ganacsiga, dhiiri-gelinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo soo-jiidasho maal-gashi, shaqo-abuur iyo kobcinta dhaqaalaha intaba.<\/p>\n<p>Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ka soo-qeyb-galayaashii kulanka uu kula dar-daarmay inay sida ugu habboon ay uga talo-bixiyaan xeerkaas lagu dhaqan-gelinaayo sharciga shirkadaha iyaga oo eegaya sida ay u dhisan yihiin shuruucda iyo xeerarka shirkadaha adduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan-qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri-gelinta iyo soo-jiidashada ganacsi iyo maal-gashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.<\/p>\n<p>Wasiirku, wuxu ugu dambeyntii u mahad-celiyey mas\u2019uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Hay\u2019adda IFC iyo Xafiiska Sharci-yaqaanada Muqdisho oo hawsha dedaal xoog leh ku bixiyey siddii ay u midho dhali lahayd sidoo kalena hore uga shaqeeyey diyaarintii iyo dhammeystirkii sharciga shirkadaha oo la ansaxiyey bishii Diisember 2019, waxa kale oo uu u mahad-celiyey dhammaan dadkii kala duwanaa ee ka soo qeyb-galay kulankaas oo uu u rajeeyey inay talooyin wanaagsan ku soo kordhin doonaan xeerkaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay u qabatay hay\u2019adaha dawladda heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadayaasha iyo Taageerayaasha Caalamiga ah,kaas oo la xiriiray xeer-nidaamiyahii lagu dhaqan-gelinaayey sharciga shirkadaha Soomaaliya. Kulankan oo socon doona muddo hal maalin ah, ayaa ka qabsoomay hotel Jazeera ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":429060,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-429059","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429059","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=429059"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429059\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":429061,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/429059\/revisions\/429061"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/429060"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=429059"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=429059"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=429059"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}