{"id":428742,"date":"2020-10-03T20:33:57","date_gmt":"2020-10-03T17:33:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=428742"},"modified":"2020-10-03T20:33:57","modified_gmt":"2020-10-03T17:33:57","slug":"raiisul-wasaare-rooble-doorasho-ayaa-loo-dhaqaaqayaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-rooble-doorasho-ayaa-loo-dhaqaaqayaa\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Rooble \u201cDoorasho ayaa loo dhaqaaqayaa\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta Heshiiska iyo Habraacyada Doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go\u2019an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo horumarka dalka, iyadoona Xukuumaddu ay u gudbinaysaa Hay\u2019adaha Qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta doorashooyinka ee 2020\/2021, Taas oo ku saleysan heshiisyadii doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray.<\/p>\n<p>\u201cXukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay\u2019adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tanaasulkii iyo xilkasnimadii ee uu sameeyay si loo gaaro heshiisyada la xiriiray arrimaha Doorashooyinka ee ugu dambeeyay heshiiskii bishan Oktoober ee lagu jaan-gooyay Habraaca Doorashooyinka 2020\/2021.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Ra\u2019iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyneyaasha Dowlad-gobeeldyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir mas\u2019uuliyadda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.<\/p>\n<p>Ugu danbeyntii, Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka sida deg-degga ah ee ay u sharciyeeyeen heshiiska, ugana guteen waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saarnaa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay dhaqan-gelinta Heshiiska iyo Habraacyada Doorashooyinka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato habsami u socodka doorashooyinka dalka. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey sida ay uga go\u2019an tahay hirgelinta doorasho muujinaysa hor u socodka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":428743,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-428742","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428742","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=428742"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428742\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":428744,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428742\/revisions\/428744"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/428743"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=428742"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=428742"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=428742"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}