{"id":428692,"date":"2020-10-03T08:04:34","date_gmt":"2020-10-03T05:04:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=428692"},"modified":"2020-10-03T08:04:34","modified_gmt":"2020-10-03T05:04:34","slug":"madaxweynaha-faransiiska-oo-ku-goodiyey-meel-marinta-sharciyo-ka-dhan-ah-muslimiinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-faransiiska-oo-ku-goodiyey-meel-marinta-sharciyo-ka-dhan-ah-muslimiinta\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Faransiiska oo ku goodiyey meel marinta sharciyo ka dhan ah muslimiinta"},"content":{"rendered":"<p>Paris (SONNA)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay sharci adag oo lagu xakameynayo \u2018waxa uu ku tilmaamay islaamiyiinta gooni u goosadka ah\u2019 isla markaana difaacaya qiyamka calmaaniga.<\/p>\n<p>Isagoo khudbad u jeediyey shacabka ayuu sheegay in Muslimiinta Faransiiska ee lagu qiyaaso lix milyan gaarayaan ay khatar ku yihiin dalka.<br \/>\nQorshaha la soo jeediyey ayaa waxaa kamid ah in si adag insha loogu hayo hanaanka waxbarashada Muslimiinta, sidoo kalena lala socdo lacagaha lagu dhiso masaajidyada iyo meelaha ay ka imaanayaan.<\/p>\n<p>Xukuumadda uu hogaamiyo Macron ayaa waxaa ay cadaadis kala kulamaysaa siyaasadeeda ku aadan wax ka qabashada Muslimiinta mayalka adag, xilli xaalad amni uu wadanku wajahayo.<br \/>\nQorshaha madaxweynaha uu ku dhawaaqay waxaa sharci ka dhigi doona baarlamaanka marka loo gudbiyo inta uusan dhammaanin sanadkan.<br \/>\nWaxyaabaha la soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah;<br \/>\n\u2022 In si dhow isha loogu hayo ururada sports-ka iyo ururada kale si loo hubiyo in ay yihiin kuwa islaamka faafinaya<br \/>\n\u2022 In la joojiyo imaamyada Faransiiska dibadda looga keeno<br \/>\n\u2022 In kor loo qaado hubinta dhaqaalaha lagu dhiso masaajidyada<br \/>\n\u2022 In la joojiyo carruurta guriyaha wax lagu baro<\/p>\n<p>Mr Macron ayaa sidoo kale sheegay in Faransiisku dhaqaale maaliyadeed iyo mid bulsho siin doono muhaajiriinta si kooxaha mayalka adag aysan u buuxin meelaha maran ama banaan.<br \/>\nDadka qaar ayaa qorshaha madaxweynaha u fasirtay in uu cod kaga raadsanayo kooxaha aaminsan afkaarta garabka midig doorashada sanadka 2022.<\/p>\n<p>Laakiin hadalka madaxweynaha waxaa cambaareeyey dadka u dhaq dhaqaaqa danaha Muslimiinta wadanka, waxayna ku eedeeyeen inuu cadaadinayo Muslimiinta dalka ku dhaqan.<\/p>\n<p>Sida uu qabo sharciga Faransiiska xukuumadda waxay ka madax banaan tahay mu\u2019asasaadka diiniga ah, taas oo ah in dadyow kala diimo iyo kala dhaqan ah ay u siman yihiin sharciga wadanka. Faransiiska waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan galbeedka Yurub, qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa ku doodaya in xukuumadda calmaaniga ay ayaga si gaar ah u beegsanayso, tusaale ahaan mamnuucista Xijaabka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo Jimcihii ka hadlayay banaanka magaalada Paris ayaa sheegay in islaamiyiinta mayalka adag ay khatar ku yihiin Faransiiska sababtana waxaa uu ku sheegay in ay leeyihiin sharci ka sareeya kuwa kale waxaana laga yaabaa in ay abuuraan iska cabin bulsho.<\/p>\n<p>Waxaa uu sheegay in qaabka ah is gaar yeelista badanaa carruurta lagu baro meelaha ka baxsan dugsiyada dowladda sidoo kalena meelaha bulshada isugu timaado sida; cayaaraha, kulamada dhaqanka iyo dadka u ololeeya bulshada dhammaan waxyaabahaas kama turjamaan sharciga jamhuuriyadda Faransiiska.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Paris (SONNA)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay sharci adag oo lagu xakameynayo \u2018waxa uu ku tilmaamay islaamiyiinta gooni u goosadka ah\u2019 isla markaana difaacaya qiyamka calmaaniga. Isagoo khudbad u jeediyey shacabka ayuu sheegay in Muslimiinta Faransiiska ee lagu qiyaaso lix milyan gaarayaan ay khatar ku yihiin dalka. Qorshaha la soo jeediyey ayaa waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":428693,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-428692","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428692","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=428692"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428692\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":428694,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428692\/revisions\/428694"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/428693"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=428692"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=428692"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=428692"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}