{"id":428219,"date":"2020-09-26T09:30:40","date_gmt":"2020-09-26T06:30:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=428219"},"modified":"2020-09-26T09:30:40","modified_gmt":"2020-09-26T06:30:40","slug":"pakistan-oo-india-ku-eedeysay-maalgalinta-islaam-naceybka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/pakistan-oo-india-ku-eedeysay-maalgalinta-islaam-naceybka\/","title":{"rendered":"Pakistan oo India ku eedeysay maalgalinta Islaam naceybka"},"content":{"rendered":"<p>Islamabad (SONNA)- Ra\u2019iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.<\/p>\n<p>Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan yahay ee QM oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolashada ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.<\/p>\n<p>\u201cMaanta waxaa jira wadan oo aan ka xumahay in aan ku iraahdo wuxuu maalgeliyaa islaam naceybka waana India. Sababtana waxaa ay tahay dalkaas waxaa maamula koox aamisan fekrad khaldan, waana nasiib darro in maanta India u taliyaan kuwaas,\u201d sidaa waxaa sheegay Khaan.<br \/>\n\u201cWaxay aaminsan yihiin in India Hinduugu leeyihiin inta ka soo hartayna yihiin muwaadiniin ayaga aan la mid aheyn .\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaare Khaan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go\u2019aanka ra\u2019iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.<\/p>\n<p>Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas\u2019uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir, India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo hor jeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas\u2019uul ka tahay xuquuq la\u2019aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.<\/p>\n<p>Guddi gaar ah oo QM u saartay arrinta Kashmir ayaa dowladda India ugu baaqay in ay qaado talaabo deg deg ah.<br \/>\nRa\u2019iisul wasaare Khaan ayaa sidoo kale, khudbadiisa sanadkii hore uu u jeediyay QM waxaa uu ku soo qaatay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dunida, isagoo sheegay in dalal badan xadgudub kula kacaan Muslimiinta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Islamabad (SONNA)- Ra\u2019iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelineya islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho. Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha oo loo dhan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":428221,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-428219","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428219","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=428219"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428219\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":428223,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428219\/revisions\/428223"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/428221"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=428219"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=428219"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=428219"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}