{"id":428192,"date":"2020-09-24T20:53:15","date_gmt":"2020-09-24T17:53:15","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=428192"},"modified":"2020-09-24T20:53:15","modified_gmt":"2020-09-24T17:53:15","slug":"soomaaliya-oo-tallaabo-kale-u-qaaday-geedi-socodka-deyn-cafinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-tallaabo-kale-u-qaaday-geedi-socodka-deyn-cafinta\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo tallaabo kale u qaaday geedi-socodka deyn cafinta"},"content":{"rendered":"<p>Washington (SONNA)-Warbixintan ay soo saartay Hey\u2019adaha Lacagta Adduunka ayay ku sheegtay in kooxda Wadahadalka deyncafinta Soomaaliya ee Hey\u2019adda ay heshiis looga gudbayo wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameytirka deyn dhaafka la gaareen madaxda Soomaaliya, kaasi oo socday inta u dhexeysa\u00a0 September 12\u201422, 2020, waxaana kooxda ka socotay Hay\u2019adda Lacagta Adduunka (IMF), hoggaaminaysay Allison Holland, iyadoo uu ku saabsanaa dib-u-eegistii ugu horreysay ee barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay taageerto (ECF).<\/p>\n<p>Gabagabadii howlgalka, ayay Ms. Holland waxay soo saartay bayaankan:<\/p>\n<p>\u201cIntii lagu gudajiray nuskii hore ee sanadka 2020, Soomaaliya waxaa soo foodsaarey dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso daadad, Ayax iyo cudurka safmarka ah ee adduunka saameynta ku yeeshay ee Coronavirus. Kuwani waxay sii xoojiyeen caqabadaha bani\u2019aadamnimada, waxayna saameyn ku yeesheen dhaqaalaha dalka iyo awoodda dowladda ee ah inay isu keento dakhliga gudaha\u201d.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa lagu yiri \u201cMas\u2019uuliyiinta Dowladda waxay qaadeen tillaabooyin dhowr ah si loo yareeyo saameynta ay ku reebtay dhibaatooyinkaas dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha. Dadaalladan waxaa horseeday taageero muhiim ah oo ka timid beesha caalamka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in si ku-meel-gaar ah loo dhaafay canshuuraha qaar ka mid ah badeecooyinka aas aasiga ah oo ay cuntada ugu horeyso; soo bandhigidda nidaamka xawilaadda lacagta ee loogu talagalay kuwa ugu nugul, Barnaamijka Baxnaano iyo daahfurka xarun amaah ah, Gargaara, oo loogu talagalay shirkadaha yaryar, iyo kuwa dhexdhexaadka ah, si sare loogu qaado dhakhliga gudaha\u201d.<\/p>\n<p>Howlwadeenada ka socotay Hay\u2019adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa kulamo gaar gaar la qaatay Wasiirada Maaliyadda mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac, Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed, Boostada Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Guddoomiyaha Bankigaga Dhexe mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo mas\u2019uuliyiin kale kuwaasi oo ay uga mahadceliyeen kaalinta wada shaqeyn ee ay ka qaataan hannaanka dib-u-eegidda Barnaamijka \u2018ECF\u2019 oo ay Soomaaliya uga gudubtay wajigiisii 1aad.<\/p>\n<p>Warbixinta ay soo saartay hay\u2019adda lacaggta adduunka waxa ay Soomaaliya ku amaantay sida ay uga go\u2019an tahay ka guul gaarista deyn cafinta xili lagu jiray marxalad adag oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo sababay hoos u dhac dhaqaale.<\/p>\n<p>Dhanka kale Sii-hayaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Hey\u2019adaha lacagta adduunka (IMF) waxaana uu sharxay sida ay u dhaceen waadahadaladii u dambeeyay.<\/p>\n<p>Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in tani ay muujinayso dadaalka dowladda ee ka guul gaariska wadahdalka, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha iyo hey\u2019adaha dowladda kaalinta ay ka qaateen arrintan..<\/p>\n<p>Bishii Maarso ee sanadkan ayay Hey\u2019adaha dhaqaalaha ee caalamka waxay qireen in Soomaaliya ay mudan tahay in deymaha laga cafiyo kaddib markii ay ka gudubtay shuruudihii ku xirnaa wadahadalka wajigiisa hore ee soo socday sanooyinkii la soo dhaafay, waxaana ay ku timid kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda dalka oo ay garwadeyn ka aheyd Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington (SONNA)-Warbixintan ay soo saartay Hey\u2019adaha Lacagta Adduunka ayay ku sheegtay in kooxda Wadahadalka deyncafinta Soomaaliya ee Hey\u2019adda ay heshiis looga gudbayo wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameytirka deyn dhaafka la gaareen madaxda Soomaaliya, kaasi oo socday inta u dhexeysa\u00a0 September 12\u201422, 2020, waxaana kooxda ka socotay Hay\u2019adda Lacagta Adduunka (IMF), hoggaaminaysay Allison [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":428193,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-428192","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428192","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=428192"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428192\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":428194,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/428192\/revisions\/428194"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/428193"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=428192"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=428192"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=428192"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}