{"id":427288,"date":"2020-09-14T13:52:16","date_gmt":"2020-09-14T10:52:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=427288"},"modified":"2020-09-14T13:53:42","modified_gmt":"2020-09-14T10:53:42","slug":"wasaaradda-gargaarka-oo-deeq-gargaar-ah-u-dirtay-sool-iyo-sanaag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-gargaarka-oo-deeq-gargaar-ah-u-dirtay-sool-iyo-sanaag\/","title":{"rendered":"Wasaaradda gargaarka oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xildhibaanno ka tirsan Baarlabaanka ay ku gudoomeen deeqdan oo isugu jirta Dawo iyo agabka hoyga loo isticmaalo oo ay Wasaaradda ugu tala galashay in la gaarsiiyo dadka u baahan<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Mudane Cabdirashiid Maxmuud Xasan oo ka hadlay munaasabadda deeq wareejinta ayaa tilmaamay in Wasaaradda ka go\u2019antahay in wixi tabarteeda ah ay la gaarto kuwa u baahan gargaarka<\/p>\n<p>Deeqdan ayaa waxaa Wasaaradda ka gacan siiyay hey\u2019adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana wasaaraddu sheegtay inay kordhin doonto kaalmada la gaarsiinayo gobolladaasi, si looga jawaabo baahiyaha bini\u2019aadanimo ee ka jira.<\/p>\n<p><strong><em>\u00a0<\/em><\/strong>\u201cWasaaradda waxa ay xoogga saareysaa sidii loo adkeyn lahaa awoodda bulshooyinka ku nool deegaannada fog fog si ay itaal ugu yeeshaan in ay iyaga iscaawinkaraan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay bixineysaa adeegyada asaasiga ah si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka,\u201d ayuu yiri sii hayaha wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xildhibaan Cabdirashiid Maxmuud Xasan<\/p>\n<p>Dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada, sida fatahaadaha, abaaraha soo laalaabtay iyo kaabayaasha dhaqaalaha bulshada oo aan wali xoogaysan ayaa dad badan ku qasbaya wali inay ku tiirsanaadaan kaalmada bini\u2019aadanimo ee hay\u2019aduhu bixiyaan iyo kaalmada dawladda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xildhibaanno ka tirsan Baarlabaanka ay ku gudoomeen deeqdan oo isugu jirta Dawo iyo agabka hoyga loo isticmaalo oo ay Wasaaradda ugu tala galashay in la gaarsiiyo dadka u baahan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Mudane Cabdirashiid Maxmuud Xasan oo ka hadlay munaasabadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":427289,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-427288","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/427288","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=427288"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/427288\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":427291,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/427288\/revisions\/427291"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/427289"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=427288"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=427288"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=427288"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}