{"id":426484,"date":"2020-09-05T09:39:32","date_gmt":"2020-09-05T06:39:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=426484"},"modified":"2020-09-05T09:47:40","modified_gmt":"2020-09-05T06:47:40","slug":"ciidanka-xoogga-oo-al-shabaab-kala-wareegay-deegaan-ka-tirsan-jubbada-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidanka-xoogga-oo-al-shabaab-kala-wareegay-deegaan-ka-tirsan-jubbada-hoose\/","title":{"rendered":"Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose"},"content":{"rendered":"<p>KISMAAYO-SONNA- Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.<\/p>\n<p>Deegaanada ay Ciidanku la wareegeen\u00a0 waxaa ka mid ah deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.<\/p>\n<p>Firxadka maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab oo ka cararay dagaalka culus ee uga yimid naftood hurayaasha Qaranka ee xoogga dalka ayaa gaaray deegaanno ka fog Jannaay Cabdalle, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka.<\/p>\n<p>Argagaxisada oo marwalba u taagan dhibaataynta dadka rayidka ah ayaa markii looga awood roonaaday dagaalka, waxay miinooyin galiyeen waddooyinka soo gala deegaanka, waxaase ka soo saaray ciidanka xoogga dalka oo u taagan difaaca Qaranka.<\/p>\n<p>Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburisay ceel-biyood ay dadka deegaanku biyaha ka cabi jireen oo ku yaalay halkaas.<\/p>\n<p>Deegaankaan Jannaay Cabdalle ayaa ahaa midka kaliya ee maleeshiyada ay lacagaha baadda ah uga qaadi jirtay gawaarida isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo deegaannada dhanka xuduuda Kenya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>KISMAAYO-SONNA- Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose. Deegaanada ay Ciidanku la wareegeen\u00a0 waxaa ka mid ah deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose. Firxadka maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab oo ka cararay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":426485,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-426484","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/426484","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=426484"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/426484\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":426490,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/426484\/revisions\/426490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/426485"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=426484"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=426484"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=426484"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}