{"id":425698,"date":"2020-08-26T09:26:25","date_gmt":"2020-08-26T06:26:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=425698"},"modified":"2020-08-26T09:26:25","modified_gmt":"2020-08-26T06:26:25","slug":"wasaaradda-gargaarka-xfs-oo-agab-loogu-talagalay-isbedelka-cimilada-gaarsiisay-kismaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-gargaarka-xfs-oo-agab-loogu-talagalay-isbedelka-cimilada-gaarsiisay-kismaayo\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay\u00a0 Kismaayo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya \u00a0ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.<\/p>\n<p>Mudane \u00a0Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey\u2019addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey\u2019addaha si ay\u00a0 u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada<\/p>\n<p>Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa \u201cG\u201d oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey go\u2019aan ku gaartay\u00a0 in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa hey\u2019addo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.\u201d Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa.<\/p>\n<p>Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.<\/p>\n<p>Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.\u201d Ayuu yiri<\/p>\n<p>Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)..Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya \u00a0ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda. Mudane \u00a0Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey\u2019addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":425699,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-425698","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/425698","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=425698"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/425698\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":425700,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/425698\/revisions\/425700"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/425699"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=425698"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=425698"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=425698"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}