{"id":423223,"date":"2020-07-25T14:23:15","date_gmt":"2020-07-25T11:23:15","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=423223"},"modified":"2020-07-25T14:29:44","modified_gmt":"2020-07-25T11:29:44","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-aqbalay-goaankii-golaha-shacabka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-aqbalay-goaankii-golaha-shacabka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay go\u2019aankii Golaha Shacabka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)- War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu aqbalay go&#8217;aankii Golaha Shacabka ee kalsooni kala laabashada xukuumaddii , Xasan Cali Kheyre , <strong>Wuxuuna u qornaa sidan:-<\/strong><\/p>\n<p>Muqdisho, 25-ka Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go\u2019aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra&#8217;iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu muhiim u arkayay midnimada hay&#8217;addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go&#8217;aanka Golaha Shacabka.<\/p>\n<p>\u201cKala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay\u2019adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go\u2019aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay\u2019adda aasaaska u ah qarannimadeenna.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra\u2019iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra\u2019iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay\u2019adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)- War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay inuu aqbalay go&#8217;aankii Golaha Shacabka ee kalsooni kala laabashada xukuumaddii , Xasan Cali Kheyre , Wuxuuna u qornaa sidan:- Muqdisho, 25-ka Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go\u2019aanka ay Xildhibaannada Golaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":423224,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81,91],"tags":[],"class_list":{"0":"post-423223","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka","8":"category-wargayska"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/423223","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=423223"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/423223\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":423228,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/423223\/revisions\/423228"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/423224"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=423223"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=423223"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=423223"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}