{"id":422605,"date":"2020-07-14T21:44:39","date_gmt":"2020-07-14T18:44:39","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=422605"},"modified":"2020-07-14T21:44:39","modified_gmt":"2020-07-14T18:44:39","slug":"akhrisonuxurka-waxa-soomaaliya-ka-khuseeya-shirkii-igad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/akhrisonuxurka-waxa-soomaaliya-ka-khuseeya-shirkii-igad\/","title":{"rendered":"Akhriso:Nuxurka waxa Soomaaliya ka khuseeya shirkii IGAD"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)\u00a0 Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee uu garwadeenka ka yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra\u2019isulwasaarae Abiy Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara.<\/p>\n<p>Waxa uu shirka xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan , wuxuuna ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliya ay muhiimadda saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyaga oo u maraya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.<\/p>\n<p>Waxaa na dhiirogaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu tirtirsiiyay dhammaan dhinacyada in ay ka qeybqaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la\u2019isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;<\/p>\n<p>Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, qatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas\u2019uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadhiniinta iyo dadka degen Soomaaliya ay badqab ugu noolaan lahaayeen.<\/p>\n<p>Waxaa loo mahadceliyay Bah-wadaagta Caalamka taageerada ay ka geysanayaan dhismaha nabadda iyo hannaanka dib u dhiska dagaaladii Soomaaliya kadib.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)\u00a0 Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee uu garwadeenka ka yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra\u2019isulwasaarae Abiy Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara. Waxa uu shirka xusey doorashooyinka heer federaal ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":422600,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-422605","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422605","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=422605"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422605\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":422607,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422605\/revisions\/422607"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/422600"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=422605"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=422605"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=422605"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}