{"id":422033,"date":"2020-07-08T18:18:00","date_gmt":"2020-07-08T15:18:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=422033"},"modified":"2020-07-08T18:18:00","modified_gmt":"2020-07-08T15:18:00","slug":"wasaaradda-warfaafinta-oo-20-ka-bishan-daah-furaysa-tartan-dalxiis-oo-guud-ahaan-dalka-oo-dhan-ah-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-20-ka-bishan-daah-furaysa-tartan-dalxiis-oo-guud-ahaan-dalka-oo-dhan-ah-sawirro\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah \u201cSAWIRRO\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ku dhawaaqday in 20 ka bishaan ay Wasaaraddu daah fureyso tartan dalxiis oo u dhexeeya Degmooyinka dalka, kuwaasi oo lagu soo bandhigayo quruxda iyo horumarka ka muuqda degmooyinka gobollada dalka.<\/p>\n<p>Marwo Farxiya ayaa sheegtay in maalmahan ay socdeen tartamo ay soo bandhigayeen quruxda qaar ka mid ay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo gobollada qaar, kuwaasi oo lagu muujinayay inay yihiin goobo ku haboon dalxiiska.<\/p>\n<p>\u201cWaaxda Dalxiiska ee Wasaarada Warfaafinta waxa ay qorsheysay tartan dalxiis oo guud oo dalka oo dhan ah, madaama aan heysano dal qurux badan, Xeeb dheer, goobo taariikhi ah oo aad loogu xusi karo dalxiiska, sidaa daraadeed Waaxda Dalxiiska waxa ay soo jeedineysa in 20-ka July la daah furi doono tartanka\u201d ayay tiri Agaasime Farxiya Samaan.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan qabashada tartan dalxiis oo loo qabanayo degmooyinka Gobollada dalka.<\/p>\n<p>\u201cWasaaradda Warfaafinta iyada oo ka duuleysa ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay soo nooleynta Dalxiiska oo ah qeyb weyn oo hadda runtii sida loogu talagalay aan u shaqeyn, isla markaana gudaneysa waajibaadka ka saaran inay la tartanto Dunida oo dalxiiska hadda ka noqday kaabayaasha koowaad ee dhaqaalaha \u201c ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaal ku aadan in indhaha caalamka la tuso in Soomaaliya ay tahay meel ku wanaagsan oo loo soo dalxiis tegi karo, maadaaa dalku leeyahay goobo ku wanaagsan dalxiiska iyo dhanka cimilada, lana dhiiri gelin doono dhallinyarada muujiyay baahida loo qabo in la helo goobo dalxiis.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan Dhawaan Wasaaraddu ay qaban doontaa kulan balaaran oo lagu daah furayo markii ugu horeysay in la asteeyo goobaha dalxiis ee wadanku uu yeelanayo, anago rajeyneyno in taasi ay sahli doonto in qofka Soomaaliga ah ee rabo in degmo ka degmo uu u safro ama qofka Ajnabiga ah ee rabo in Soomaaliya uu u soo safro in uu heli karo meeqo goobood oo dalxiis ayaa ka jirta Soomaaliya\u201d ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray in 20-ka bishan la soo bandhigi doono qorshaha asteynta goobaha dalxiiska ee dalka.<\/p>\n<p>Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ku wargeliyay saamileyda Dalxiiska iyo dadka daneeya arrimaha dalxiiska inay la soo xiriiri doonaan madaxda Wasaaradda, lana tixgelin doono tallooyinkooda ku aadan horumarinta dalxiiska dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422034\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Cadaala.jpg\" alt=\"\" width=\"626\" height=\"621\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Cadaala.jpg 626w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Cadaala-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Cadaala-300x298.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 626px) 100vw, 626px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422035\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Farxiya-Samaan.jpg\" alt=\"\" width=\"625\" height=\"615\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Farxiya-Samaan.jpg 625w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Agaasime-Farxiya-Samaan-300x295.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 625px) 100vw, 625px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422036\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/d.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"616\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/d.jpg 618w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/d-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/d-300x300.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422037\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/f.jpg\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"608\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/f.jpg 624w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/f-300x292.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 624px) 100vw, 624px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422038\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/h.jpg\" alt=\"\" width=\"627\" height=\"624\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/h.jpg 627w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/h-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/h-300x300.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 627px) 100vw, 627px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-422039\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/k.jpg\" alt=\"\" width=\"621\" height=\"626\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/k.jpg 621w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/k-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/k-298x300.jpg 298w\" sizes=\"auto, (max-width: 621px) 100vw, 621px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ku dhawaaqday in 20 ka bishaan ay Wasaaraddu daah fureyso tartan dalxiis oo u dhexeeya Degmooyinka dalka, kuwaasi oo lagu soo bandhigayo quruxda iyo horumarka ka muuqda degmooyinka gobollada dalka. Marwo Farxiya ayaa sheegtay in maalmahan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":422034,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-422033","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=422033"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422033\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":422040,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/422033\/revisions\/422040"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/422034"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=422033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=422033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=422033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}