{"id":419335,"date":"2020-05-26T13:42:43","date_gmt":"2020-05-26T10:42:43","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=419335"},"modified":"2020-05-26T13:42:43","modified_gmt":"2020-05-26T10:42:43","slug":"dawladaha-ruushka-iyo-ciraaq-oo-ka-wada-hadlaya-qiimaha-saliida-iyo-xaalada-nabadgelyo-ee-ciraaq-iyo-siiriya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dawladaha-ruushka-iyo-ciraaq-oo-ka-wada-hadlaya-qiimaha-saliida-iyo-xaalada-nabadgelyo-ee-ciraaq-iyo-siiriya\/","title":{"rendered":"Dawladaha Ruushka iyo  Ciraaq oo ka Wada Hadlaya Qiimaha Saliida iyo Xaalada Nabadgelyo ee Ciraaq iyo Siiriya."},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\">Madaxweynaha\u00a0Dawladda\u00a0Ruushka Vladimir Putin iyo Ra\u2019iisal\u00a0Wasaaraha Ciraq Mustafa Al-Kadimi ayaa ka wada hadlay qiimaha saliida suuqyada adduunka iyo xaalada amni ee Ciraaq iyo Siiriya.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Bayaan ay soo saartay dowladda Ciraaq ayaa lagu sheegay in Putin iyo Al-Kadimi ay\u00a0wada yeesheen kulan ku dhex maray khadka telifoonka ayna ka wada hadleen\u00a0xoojinta xiriirka\u00a0labada dal\u00a0iyo\u00a0xallinta\u00a0xaaladaha gobolka\u00a0bariga dhexe,\u00a0sidoo kale waxay isla soo qaadeen\u00a0hoos u dhaca\u00a0ku yimi\u00a0qiimaha saliidda\u00a0cayriin\u00a0iyo saameynta\u00a0ay dunida ku yeelatay.<\/p>\n<p>Qiimaha saliida ayaa lumiyey\u00a0oo hoos uga dhacay\u00a0in kabadan kalabar qiimahii lagu ogaa\u00a0bilihii ugu dambeeyay\u00a0taasoo ka dhalatay saamaynta uu cudurka\u00a0Corona\u00a0ku reebay dunida oo dhan, kaasoo carqaladeeyay waaxyo waa weyn oo dhaqaalaha adduunka ah.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Bishii lasoo dhaafay ee\u00a0<strong>April<\/strong>\u00a0isbahaysiga\u00a0<strong>OPEC<\/strong>\u00a0oo ay ku jiraan dawladaha Ruushka iyo Ciraaq waxay gaareen heshiis taariikhi ah oo salka ku haya wax soo saarka saliidda iyagoo isku raacay in loo baahan yahay in maalintii lasoo saaro 9.7 milyan oo fuusto maalin kasta, iyada oo hadafku yahay in laga feejignaado sicir bararka suuqyada adduunka.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Putin iyo Al-Kadimi ayaa sidoo kale ka wada hadlay masiibada\u00a0adduunka oo dhan ku habsattay ee\u00a0Corona\u00a0Virus, sidoo kale waxay isla soo qaadeen adkkaynta\u00a0xaalada nabadgelyo ee\u00a0dalalka\u00a0Ciraaq iyo Siiriya&#8221;, sida lagu sheegay bayaanka\u00a0kasoo baxay dawladda Ciraaq.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Dhiniciisa Ra\u2019iisal Wasaare Al-Kaadimi wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay danaha Dawladda Ciraaq kaga xiran xoojinta iskaashiga ay la wadaagto Dawladda Ruushka iyo in shirkadaha maalgashi ee Ruushka ay ku casuumi doonaan inay yimaadaan Ciraaq si ay u maalgashadaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha\u00a0Dawladda\u00a0Ruushka Vladimir Putin iyo Ra\u2019iisal\u00a0Wasaaraha Ciraq Mustafa Al-Kadimi ayaa ka wada hadlay qiimaha saliida suuqyada adduunka iyo xaalada amni ee Ciraaq iyo Siiriya. Bayaan ay soo saartay dowladda Ciraaq ayaa lagu sheegay in Putin iyo Al-Kadimi ay\u00a0wada yeesheen kulan ku dhex maray khadka telifoonka ayna ka wada hadleen\u00a0xoojinta xiriirka\u00a0labada dal\u00a0iyo\u00a0xallinta\u00a0xaaladaha gobolka\u00a0bariga dhexe,\u00a0sidoo kale waxay isla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":419336,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-419335","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/419335","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=419335"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/419335\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":419345,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/419335\/revisions\/419345"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/419336"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=419335"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=419335"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=419335"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}