{"id":418924,"date":"2020-05-14T19:45:20","date_gmt":"2020-05-14T16:45:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=418924"},"modified":"2020-05-14T20:42:44","modified_gmt":"2020-05-14T17:42:44","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-magacaabay-guddoomiyeyaasha-maxkamadda-g-banaadir-iyo-maxkamadda-racfaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-magacaabay-guddoomiyeyaasha-maxkamadda-g-banaadir-iyo-maxkamadda-racfaanka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda G\/banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka."},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA), May 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u maga<span class=\"text_exposed_show\">caabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.<\/span><\/p>\n<div class=\"text_exposed_show\">\n<p>Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-418925\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96683211_2979979298753195_5317462807174709248_o.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"959\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96683211_2979979298753195_5317462807174709248_o.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96683211_2979979298753195_5317462807174709248_o-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96683211_2979979298753195_5317462807174709248_o-300x300.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96683211_2979979298753195_5317462807174709248_o-768x767.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-418926\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96687505_2979979432086515_5380708090393919488_o.jpg\" alt=\"\" width=\"651\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96687505_2979979432086515_5380708090393919488_o.jpg 651w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/96687505_2979979432086515_5380708090393919488_o-203x300.jpg 203w\" sizes=\"auto, (max-width: 651px) 100vw, 651px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA), May 14, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-418924","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418924","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=418924"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418924\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":418927,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418924\/revisions\/418927"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=418924"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=418924"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=418924"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}