{"id":418594,"date":"2020-05-07T09:12:14","date_gmt":"2020-05-07T06:12:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=418594"},"modified":"2020-05-07T09:12:14","modified_gmt":"2020-05-07T06:12:14","slug":"madaxweyne-farmajo-oo-bogaadiyay-dadaalka-xukuumadda-ee-xakameynta-cudurka-covid-19","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmajo-oo-bogaadiyay-dadaalka-xukuumadda-ee-xakameynta-cudurka-covid-19\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmajo oo bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ee xakameynta cudurka Covid-19"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Muqdisho(SONNA)<\/strong> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibbada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cXaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay\u2019adaba.\u201d<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka Adeegeyaasha Xarumaha Caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418596\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaa-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaa-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaa-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaa-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaa.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418597\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaaa-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaaa-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaaa-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaaa-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/aaaa.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418598\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/wwwww-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/wwwww-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/wwwww-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/wwwww-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/wwwww.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418599\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaa-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaa-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaa-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaa-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaa.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-418600\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaaa-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaaa-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaaa-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaaa-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/xsaaaa.jpg 2048w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19. Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":418598,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-418594","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418594","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=418594"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418594\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":418601,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418594\/revisions\/418601"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/418598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=418594"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=418594"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=418594"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}