{"id":418055,"date":"2020-04-25T15:07:50","date_gmt":"2020-04-25T12:07:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=418055"},"modified":"2020-04-25T15:31:13","modified_gmt":"2020-04-25T12:31:13","slug":"guddiga-isku-xirka-hirgelinta-siyaasadda-qaran-ee-teknolojiyada-oo-hawl-billaabay-xilli-baahi-weyn-loo-qabo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddiga-isku-xirka-hirgelinta-siyaasadda-qaran-ee-teknolojiyada-oo-hawl-billaabay-xilli-baahi-weyn-loo-qabo\/","title":{"rendered":"Guddiga isku-xirka hirgelinta siyaasadda qaran ee Teknolojiyada oo hawl-billaabay xilli baahi weyn loo qabo"},"content":{"rendered":"<table>\n<tbody>\n<tr>\n<td>Muqdisho,(SONNA) -Guddiga Isku-xirka Qaran ee Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo ka wada hadlay sidii ay hawlahooda u billaabi lahaayeen, iyadoo laga faa\u2019iideysanayo farsamada casriga ah.<\/p>\n<p>Guddigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda wasaaradaha Boostada &amp; Isgaarsiinta (Guddoonka), Qorsheynta, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Bankiga Dhexe, Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo Xafiiska Ra\u2019iisul-wasaaraha. Hase yeeshee, waxaa qorshaha ku jira in la qabto kulamo kuwan ka ballaaran oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan ee ay Siyaasaddani saameynta ku leedahay.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Wasaaaradda Boostada, Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada (WBIT) oo ugu horreyntii ka hadlay kulanka oo ku dhacay qaab online ah ayaa xubnaha Guddiga u dul-maray ujeeddooyinka Siyaasaddan Qaran iyo qorshaha loo dajiyay sidii loo fulin lahaa. Wasaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay waajibaadka shaqo ee Guddiga, taas oo ay xubnaha si buuxda u ansixiyeen.<\/p>\n<p>Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, oo kulankaas uga qeyb galay qaabka fogaan-aragga, ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga inay xil weyn iska saaraan sidii siyaasaddan loo fulin lahaa maadaama ay ahmiyad weyn u leedahay dalka, iyadoo soo koobeysa sida teknolojiyada loogu adeegsan karo qeybaha kala duwan ee nolosha.<\/p>\n<p>\u201cMid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee Coronavirus uu na baray waa inaan teknolojiyada u isticmaalno qeybo badan oo nolosha ka mid ah sida kulamada, waxbarashada, taasna way sii socon doontaa xitaa haddii COVID-19 uu na dhaafo,\u201d ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in waxyaabaha siyaasaddan ku xusani ay maanta ka muhiimsan yihiin maalintii la qorayay.<\/td>\n<\/tr>\n<\/tbody>\n<\/table>\n<p>Fulinta siyaasaddan ayaa ku soo aadeysa xilli baahi weyn loo qabo in teknolojiyada loo adeegsado qeybaha kala duwan ee nolosha, gaar ahaan qeybaha ay siyaasaddani qorshaha u dajisay ee kala ah: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, kobcinta xirafadaha, iyo adeegyada dawladda<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA) -Guddiga Isku-xirka Qaran ee Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta &amp; Teknolojiyada ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyagoo ka wada hadlay sidii ay hawlahooda u billaabi lahaayeen, iyadoo laga faa\u2019iideysanayo farsamada casriga ah. Guddigan ayaa ka kooban wakiillo ka socda wasaaradaha Boostada &amp; Isgaarsiinta (Guddoonka), Qorsheynta, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Bankiga Dhexe, Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":418057,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-418055","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418055","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=418055"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418055\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":418056,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/418055\/revisions\/418056"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/418057"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=418055"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=418055"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=418055"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}