{"id":416576,"date":"2020-03-25T22:47:08","date_gmt":"2020-03-25T19:47:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=416576"},"modified":"2020-03-25T22:47:08","modified_gmt":"2020-03-25T19:47:08","slug":"soomaaliya-oo-gaartay-barta-goaan-qaadashada-deyn-cafinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-gaartay-barta-goaan-qaadashada-deyn-cafinta\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo gaartay barta go\u2019aan qaadashada deyn cafinta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)-Warbixin ka soo baxday hey\u2019adda lacagta adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go\u2019aan qaadasha dayn cafinta<\/p>\n<p>Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey\u2019adaha maaliyadda dalka.<\/p>\n<p>Qoraalka ayaa lagu yiri \u201cWaxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano\u201d.<\/p>\n<p>\u2018\u2019Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay\u201d ayay tiri Agaasimaha maamulka\u00a0 Hey\u2019adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva<\/p>\n<p>Agaasimaha Maamulka Hey\u2019adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta<\/p>\n<p>\u201cWaxaan dadaalka Soomaaliya ku bxiisay soo celinta hannaan dagan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka Maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha maanta laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsanyihiin go\u2019aanka ka soo baxay oo Soomaaliya u suuragalinaya in ay dib ula soo noqoto xiriirkii dhaqaalaha caalamiga ah, waxaana uu tilmaamay in ay ku timid dadaal xooggan oo ay dowladu bixisay, iyada oo la shaqaynaysa hey\u2019adaha dhaqaalaha caalamka sida Bangiga Adduunka iyo Hey\u2019adda lacagta Adduunka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)-Warbixin ka soo baxday hey\u2019adda lacagta adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go\u2019aan qaadasha dayn cafinta Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey\u2019adaha maaliyadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":416334,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-416576","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416576","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=416576"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416576\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":416577,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416576\/revisions\/416577"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/416334"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=416576"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=416576"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=416576"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}