{"id":416033,"date":"2020-03-16T09:20:33","date_gmt":"2020-03-16T06:20:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=416033"},"modified":"2020-03-16T09:21:14","modified_gmt":"2020-03-16T06:21:14","slug":"soomaaliya-iyo-talyaaniga-oo-kala-saxeexday-heshiis-lagu-horumarinaayo-wax-soo-saarka-dalkasawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-talyaaniga-oo-kala-saxeexday-heshiis-lagu-horumarinaayo-wax-soo-saarka-dalkasawirro\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxeexday heshiis lagu horumarinaayo wax-soo-saarka Dalka+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay&#8217;adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka.<\/p>\n<p>Mashruucan oo ay fulinayaan hay&#8217;adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxa si wada-jir ah u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay\u2019adda dhinaca horumarinta ee Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador; Alberto Vecchi, madax ka socotay hay\u2019adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weli ba sidoo kale mas\u2019uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga.<\/p>\n<p>Madaxa hay&#8217;adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr; Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay Dalka ka fulinayaan.<\/p>\n<p>Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj; Cabdullaahi Cali Xasan ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u lee yahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinaayo hay&#8217;adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka isaga oo sidoo kale na tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weli ba sidoo kale hay&#8217;adaha caalamiga ah ee fulinaaya mashruucan.<\/p>\n<p>&#8220;Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay&#8217;adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo weli ba hay&#8217;adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka&#8221;. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.<\/p>\n<p>Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: &#8220;Mashruucani wuxu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay&#8217;adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka Dalka.&#8221;.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416035 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-1.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-1.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-1-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416036 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-3.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"828\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-3.jpg 587w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/4c0f2236-4223-4986-9a56-cbd4da60298b-3-300x230.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416037 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/9b79f958-604d-4934-8889-b578bc959838.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/9b79f958-604d-4934-8889-b578bc959838.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/9b79f958-604d-4934-8889-b578bc959838-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/9b79f958-604d-4934-8889-b578bc959838-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/9b79f958-604d-4934-8889-b578bc959838-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416041 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/a5fb7310-6d3d-498a-bc2a-6ed6ec301b87.jpg\" alt=\"\" width=\"1078\" height=\"807\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/a5fb7310-6d3d-498a-bc2a-6ed6ec301b87.jpg 828w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/a5fb7310-6d3d-498a-bc2a-6ed6ec301b87-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/a5fb7310-6d3d-498a-bc2a-6ed6ec301b87-768x575.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 1078px) 100vw, 1078px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416043 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/b45aad60-f4d7-4f1f-bc33-ca89a4fc80c0.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/b45aad60-f4d7-4f1f-bc33-ca89a4fc80c0.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/b45aad60-f4d7-4f1f-bc33-ca89a4fc80c0-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/b45aad60-f4d7-4f1f-bc33-ca89a4fc80c0-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/b45aad60-f4d7-4f1f-bc33-ca89a4fc80c0-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416044 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dbb92c04-a07d-4865-8001-dd3e17b31e02.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dbb92c04-a07d-4865-8001-dd3e17b31e02.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dbb92c04-a07d-4865-8001-dd3e17b31e02-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dbb92c04-a07d-4865-8001-dd3e17b31e02-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dbb92c04-a07d-4865-8001-dd3e17b31e02-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-416045 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dc8101d5-84f6-4416-b9e9-cec90344fe41.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dc8101d5-84f6-4416-b9e9-cec90344fe41.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dc8101d5-84f6-4416-b9e9-cec90344fe41-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dc8101d5-84f6-4416-b9e9-cec90344fe41-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/dc8101d5-84f6-4416-b9e9-cec90344fe41-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo hay&#8217;adda dhinaca horumarinta u qaabbilsan Talyaaniga, ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor loogu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee Dalka. Mashruucan oo ay fulinayaan hay&#8217;adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":416034,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-416033","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=416033"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416033\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":416047,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/416033\/revisions\/416047"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/416034"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=416033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=416033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=416033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}