{"id":415517,"date":"2020-03-08T09:33:25","date_gmt":"2020-03-08T06:33:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/?p=415517"},"modified":"2020-03-08T09:33:25","modified_gmt":"2020-03-08T06:33:25","slug":"masuuliyiin-iyo-wariyayaal-abaal-marinno-la-guddoonsiiyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/masuuliyiin-iyo-wariyayaal-abaal-marinno-la-guddoonsiiyay\/","title":{"rendered":"Masuuliyiin iyo Wariyayaal Abaal marinno la guddoonsiiyay"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa Xalay Agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan Warbaahinta Qaranka ku guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarino ay ku mutaysteen shaqada ay Qaranka u hayaan, munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay ka soo qayb galeen shaqaalaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka.<\/p>\n<p>Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow oo ugu horayn ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in xafladdaan ay tahay mid 3-dii billoodba mar ay abaalmarino siin doonaan shaqaalihii loo arko in uu howlkarnimo dheeri ah la yimaadeen.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa u hambalyeeyay shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada,isagoo shaqaalaha kalana kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Qaranka ay u hayaan,wuxuuna sheegay in abaalmarintu ay tahay mid la siin doono qof kasta oo shaqadeeda si fiican uga soo baxda ayna berri qaadan doonaan kuwa aan maanta nasiibka u yeelan.<br \/>\nWasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaqaalaha ku guulaystay abaalmarinada ku boggaadiyay howlkarnimadooda,isagoo kuwa kalana uga mahadceliyay shaqada ay u hayaan Qaranka,wuxuuna sheegay in ay jiraan shaqaale badan oo mudan in la abaalmariyo balse ay kala horreeyaan.<\/p>\n<p>Shaqaalaha ku guuleystay abaalmarinada ayaa waxaa ka mid ahaa, agaasimeyaasha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA), mudane Cali C\/qaadir Cali iyo Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyadda Soomaaliya, Mudane Yaxye Cali Faarax oo ku mutaystay abaalmarinta, hormarinta Waaxyahooda mudaddii yareed ee ay joogeen iyo dib u dayactir ay ku sameeyeen.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Munaasabadda ayaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska,Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) taas oo uu ku mudeystay wax qabadka iyo isbedeladii uu ka sameeyay Wasaaradda.<br \/>\nHalkaan hoose ka akhriso magacyada wariyeyaasha la abaalmariyay:-<\/p>\n<p>CabdiXakiin Cabdi Ismaaciil<br \/>\nMaxamed Xassan C\/raxman<br \/>\nMaxamed Maxamuud Fiiddow<br \/>\nAxmed British<br \/>\nMaxamed deeq Cabdi Maxamed<br \/>\nMaxamed Muuse Tarsan<br \/>\nC\/raxmaan Wadani<br \/>\nMaa\u2019ido Muxudiin Dhiblaawe<br \/>\nAamino xuseen maxamed<br \/>\nCismaan Dhiblaawe<br \/>\nSugaal Macalin Cabdulle.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa Xalay Agaasimeyaal iyo shaqaale ka tirsan Warbaahinta Qaranka ku guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarino ay ku mutaysteen shaqada ay Qaranka u hayaan, munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":415518,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81,91],"tags":[],"class_list":{"0":"post-415517","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"category-wargayska"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415517","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=415517"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415517\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":415519,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/415517\/revisions\/415519"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/415518"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=415517"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=415517"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=415517"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}